Shirka Madaxda Midawga Afrika Oo Ka Furmay Addis Ababa
Monday, July 16, 2012
Laaska News
Addis-Ababa,July 15,2012 – Shir sanadeedkii madaxda dalalka Afrika ee ku midoobay midawga Afrika (AU) ayaa maanta ka furmay xarunta AU ee Addis-Ababa, dalka Ethiopia,waxaana kaqaybgalaya madaxweynayaal,madax xukumeed iyo madax kale oo ueurkaas ah.
.
Dhinaca dawladda Soomaaliya ayaa lagusoo waramayaa inuu uga qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Md Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo.
.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa la filayaa in ajandayaasha looga hadlayaa ay kamid noqon doonaan labada Sudan,Congo,Arrimaha afrika dhexdooda ah,nabadgalyada iyo arrimaha Soomaaliya.
.
Laaska News