Calankii Somalia Oo Maraya Furitaankii Cayaaraha Olombiga 2012 Oo Lagu Dhuftay Muusikadii Astaanta U Ahayd Calanka
Laaska News July 28, 2012
Cayaartooyda Soomaaliya uga qayb galaysa tartanka Olombiga London ee soo gaadhay xafladdii furitaanka ee calankii Soomaaliya ka dhex taagay caalamka waxay keeneen “Guul lama ilaawaan ah” , waxayna abuureen “qiiro wadaniyeed”.

Furitaankoo Cayaaraha,kooxdii Soomaaliya kasocotay oo maraysa fagaaraha ayaa lagu dhuftay muusikadii astaanta u ahayd calanka soomaaliya,waxay ahayd waqti qaali ah oo ay Soomaali badan oo caalamka ku kala nooli ay sugayeen bal inay mar arkaan cayaartooydii kasocotay Soomaaliya oo maraya fagaaraha iyo calankii Soomaaliya.
.
Soomaaliya waxaa uga qayb galaya laba cayaartooy oo osodada ah waxayna kala yihiin - Sanmsam Maxamed Farax iyo Maxamed Xasan Maxamed.




.
Bal ka eeg Suuradaha Cabdi Bile
Photo:RM