Madaxweyne Shariif Oo Furay Maxjarka Xoolaha Ee Jazeera – SAWIRRO
Laaska News July 29, 2012
Warka Dalka (Warka TFG da)

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo ah 28 /7/2012 xariggaa ka jaray maxjarka xoolaha ee Jasiira , kuna yaala duleedka magaalada Muqdisho ee Gobolka Shabeelada Hoose.
.
Munaasabadda furitaanka maxjarka baaritaanka caafimaadka xoolaha oo ka dhacday xarunta maxjarka ee Jasiira ee Gobolka Shabeelada Hoose,waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Skeekh Shariif Sh. Axmed, Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiwahab Ugaas Xudeen , Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Md. Cabdisamad Macalin Maxamuud,Taliyaha Ciidanka Booliska, Gudoomiyaha Gobolka Banadir, xubno saraakiisha ciidanka kamid ah.

.
Warbaahinta Qaranka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlaysa waxay sheegtay inay halkaasi kahadleenmadaxda dawladda oo ay kamid yihiin Madaxweynaha J Soomaaliya Md Shariif , R/wasaare Ku-xigeenka.
.
Sidoo kalana warbixino looga dhagaystay mas’uuliyiin kasocda Wasaaradda X.Xoolaha dhirta iyo Daaqa iyo Maxjarka labadaba.





Agaasimaha Waaxda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa
Agaasimaha waaxda xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee wasaaradda xanaanda Xoolaha Dr C/raxmaan Nuur ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay Madaxweynaha marxaladaha dib loogu dhisay maxjarka iyo faa’idooyinka uu u leeyaha xoolaha dalka.
Agaasimaha Maxjarka:
Agaasimaha maxjarka Iimaan Maxamed ayaa sheegay
in dhismaha Maxajarka uu soo socday ilaa labo sano ayna ku baxaday lacag dhan Saddax milyan iyo saddax kun oo dollar balse ay aqoonsadeen maxjarka wadamo badan oo loo iibgayn doono xoolaha Soomaaliya taasina ay tahay guul u soo hoyatay ganacsatada maal galisay maxjarka.
R/wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif .
Md. Khaliif oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay faa’iidada maxjarka uu u leeyahay ama u yeelanayo bulshada Soomaaliyeed hadday tahay Xoolo dhaqato iyo Ganacsatada Xoolaha intaba.
Md. Khaliif ayaa sidoo kale amaan u jeediyay ganacsatada isku howshay dhismaha Maxjarka.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Warbaahinta Qaranka oo kahadlaysa hadalkii uu Madaxweyne Shariif ka jeediyay gabagabadii xafladda furitaanka Maxjarka waxa ay sheegtay:
In Madaxweyne Shariif uu xusay “in dawladda Soomaaliya ay tix galinayso ganacsiga xorta ah”.
.
Sidoo kalana uu kula dardaarmay ganacsatada” in ay sara u qaadaan ganacsiga si uu u kobco dhaqaalaha wadanka”.




Photo:RM
Related:
Somalia:Wafdi uu Hogaaminayo R/Wasaare Prof. Cabdiwali Oo Kormeeray Boosaaso – SAWIRRO