Madaxweyne Shariif Oo Socdaal Ku Tagay Markii Saddexaad Afgooye (July 30,2012),Kulamana Laqaatay Odayaasha – SAWIRRO
Laaska News July 31, 2012

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa socdaal ku tagay magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose maalintii shalay oo bisha Luulyo ahayd 30,2012 , wuxuuna halkaa kulamo kula qaatay odoyaasha deegaanka iyo mas’uuliyiinta Degmada Afgooye.
.
Madaxweyne Shariif oo hogaaminaya wafdi balaadhan oo xukuumadda TFG da ah isugu jira wasiiro iyo taliyayaasha ciidamada iyo Mas’uuliyiin kale ayaa markii saddexaad socdaal ku tagay magaalada Afgooye ee cabashadeedu iyo hadal haynteedu baryahan ay aad usoo kordhayso si uu uga kuur galo.
.
Madaxweynaha waxaa socdaalkaa ku waheliyay sida warbaahinta dawladda lagu sheegay Ra’isulwasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Beeraha,Wasiirka W.Garsoorka,Cadaaladda,Awqaafta iyo Arrimha Diinta Md Axmed Xasan Gaboobe(Ugaas Bile), Wasiirka W.A.Gudaha iyo Amniga Qaranka Md Cabdisamad Macalin Maxamuud,Taliyaha Ciidanka X.D.S. S/Gaas Cabdqaadir Sheekh Cali Diini,Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Shariif Sheekhunaa Maye,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Eng.Axmed Macalin Fiqi.
.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa kulamo kula qaatay Afgooye waxgaradka , odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta halkaa kusugan.

















Photo: RM (Codka J S).
Related Articles:
Madaxweyne Shariif Oo Socdaal Kutagay markii Labaad Afgooye
May 29, 2012
Madaxweyne Shariif Oo Booqday Afgooye,Kana Nabad Galay Weerar Jid Gooyo ah