Home
> Egypt (Masar) > Masar Oo Loo Dhaariyay Dawlad Cusub
Masar Oo Loo Dhaariyay Dawlad Cusub
Friday, August 3, 2012
Laaska News Aug 3,2012
Masar waxaa loo dhaariyay xukuumad cusub,waxaana hogaamiyihii hore ee Golaha Ciidamada loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.
.
Ra’iisal Wasaare Hashim Qandil ayaa xaflad kaga dhawaaqay Gole wasiiro oo ka kooban 35 xubnood Khamiistii.
.
Madaxweyne Morsi ayaa xafiiska la wareegay bishii Juun,wuxuuna Ra’iisal Wasaare u magacawday bishii hore Mr. Qandil, wuxuuna amar kusiiyay inuu soo dhiso Gole Wasiiro.
.
Madaxa Golaha Sare ee Ciidamada Qalabka-sida Maxamed Xuseen Dandaawi ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.
.
Xisbiga Morsi Walaalaha Muslimiinta xilligii ololaha doorashada madaxtinimada Masar waxay iskasoo horjeedeen malatariga.
.
Afar wasiir oo kaliya ayaa walaalaha Muslimiinta laga siiyay Golaha Wasiirada.