Somalia – Madaxweyne Shariif Oo Kulan La Qaatay Gudiga Xalinta Khilaafaadka
Laaska News August 14, 2012
Muqdisho -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa kulan la qaatay gudiga xalinta Khilaafaadka isagoona ugu baaqay in la xaliyo cabashooyin ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.
Kulanka uu maanta la qaatay Madaxweyne Shariif gudiga xalinta Khilaafaadka ayaa waxa uu ahaa mid uu ugu kuur galayay halka ay marayaan howlaha ay hayaan gudigaasi.
.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah guddoomiyaha gudigaasi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso howsha laguna soo gaba gabeynayo waqtigii loogu talagalay.
.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya oo sidoo kale kulanka ka hadlay ayaa sheegay in gudiga xalinta Khilaafaadka looga baahanyahay sidii ay u soo dadajiyaan lahaayeen liiska magacyada baarlamanka iyo guddoomiyaha.
.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in ay haystaan waqti yar loogana fadhiyo in ay ku dhisaan baarlaman iyo guddoomiye si ay u doortaan Madaxweyne, waxa uuna ugu baaqay gudiga in ay xaliyaan cabashada kaaga imaaneysa beelaha qaarkood kuwaas oo ku aadan in faragalin lagu hayo.
by Canab
August 13, 2012
RM.
Madaxweyne Shariif Oo Kulan La Qaatay Gudiga Xalinta Khilaafaadka
Madaxweyne Shariif Kulanka uu laqaatay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa ahayd mid u kuur galid ah,isla markaana ay ku jirto tala bixin hadaladiisii ,waxaana haddii lasoo koobo ay ujeedadu noqonaysaa dhawr qodob:
in la dadajiyo xulista xubnaha Cusub ee Baarlamaanka
in muddo usbuuc ah oo lahaysto lagu doonayo in la helo xubnaha baarlamaan oo dhan iyo in in la doorto Guddoomiye Baarlamaan iyo Kuxigeenadiisa
in waqtigii loogu talagay in ku dhamaato waqtigii loogu talagalay soomaali oo dhan bay sharaf u tahay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale usoo jeediyay Guddiga Xalinta
in wax laga qabyto Cabashada Beelaha lana xaliyo khilaafaadka Beelaha dhxdooda.
in la helo wada shaqayn.
Madaxweyne Shariif mar uu ka hadlayay arrintaas waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:
Guddigu madaxa banaani waa guddi madaxbanaan laakiin waxaa larabaa isaga naftigiisu inuu raaca shuruucdii uuna iltisaamo, awoodiha lasiiyay uusan ka bixin ayaa loo baahan yahay, waa madaxbanaan yahay macnaheedu maaha ——
.
Guddiga wax xadididaya ayaa jira,shaqadiisa waa u madax banaan yahay laakiin shaqadiisa waxaan ahayn ma dhex gali karo.
Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Garaad Jaamac Garaad Cali oo kulankaa warbixin ka jeediyay ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:
Xubnihii la xulay ee xildhibaanada caboshooyinka waa kala duwanayeen nasoo gaadhay cabashooyinka waxaa ubadnaa tan odhanaysa xubin nimada anigaa ku wanaagsanaa ee odaygu qof kale ayuu qaataay … kuwaa banaanka ayaan iska dhignay laakinn waxaa jira cabashooyin kale oo guinue ah oo xaqiiqiyan la dareemi karo sida hal jilib oo odaygu u qoray — ama qaybtii ay lahaayeen oo khaldantay, cabashooyinkaasi ilaa dhawr iyo labaatan wey yihiin
Nasiib darro cabashooyinkaasi nagama soo gaarin guddiga farsamada ee iyagu inta badan qabta caba shooyinka ee dadka ayaa si toos ah noogu keenay.
Markasta oo aannu la hadalno guddiga farsamadu waxay nalahaayeen annagaa idiin soo gudbin doona,ilaa iyo hadda kanma hayno wax official ah.
Laaska News