Suudaan Diyaarad Ku Burburtay Oo Ay Ku Dhinteen 31 Qof Oo Uu Kujiro Wasiir
Sunday, August 19, 2012
Laaska News August 19,2012
Diyaarad ku burburtay dalka Suudaan ayaa la sheegay inay ku dhinteen 31 qof oo uu kujiro Wasiir iyo xubno kale oo waheliyay oo usocday wafdi ahaan inay uga qayb galaan munaasabadda ciidda,sidaana waxaa sheegatay warbaahinta dalka.
.
Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ku dhacday ama gashay Buuro u dhaw magaalada la yiraahdo Talodi ee Gobolka Kordofan-ka Koonfureed,dadka ay sidayna uu kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Diinta Gaazi Al-Sadiiq iyo wafdi waheliyay oo u socday inay damaashaadka ciidda kala kala qayb galaan deegaankaa.
.
Shilkan ayaa loo badinayaa inuu ka dhashay hawada oo xumayd awgeed.
.
Wakaaladaha,TV.
Ciid Wanaagsan