Deg Deg:Somalia oo Loo Dhaariyay Baarlamaan Cusub August (20, 2012)
Laaska News August 20, 2012 Update
Muqdisho – Waxaa magaalada Muqdisho kasocotay xaflad dhaarta Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya,waxaana la dhaariyay 2011 xildhibaan.
.
Baarlamaanku wuxuu Guddoomiye Kumeel gaar ah u doortay Gen. Mudane Muuse Xasan Cabdulle oo noqday ninka ugu da’da weyn mudanayaasha xildhibaanada ee loo dhaariyay dalka Soomaaliya.
.
Guddoomiyaha Maxkamdda Sare ee Soomaaliya Abu-kaate Caydiid Ilka-xanaf ayaa goobta ku dhaariyay 2011 oo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
.
Waxaa munaasabaddaa kaqayb galay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed,wuxuuna halkaa ka jeediyay hadal kooban oo u jeediyay xildhibaanada cusub.
.
Waxaa kale oo munaasabaddaa ka qayb galay wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Mahiga.
.
Baarlamaanka cusu waxa uu maantaba yeeshay kulan aan caadi ahayn oo uu ku gu doortay Guddoomiye ku-meel gaar ah,waxaana lagu dhawaaqay in in ay furan tahay in ciddii u tartamaysa Gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa ay soo gudbistaan codsigooda.
.
Waxaa saacadaha inagu soo socda lagu wadaa inay Baarlamaanku kulamo kale yeeshaan oo ay ku guda galaan hawlahooda.
.
Laaska News.