Somalia – Guddiga Doorashada Ee Guddoonka Baarlamaanka Oo La Ansixiyay – Akhri Liiska (Warka Aug.21,2012)
Laaska News August 22, 2012
Muqdisho – Xildhibaanda Baarlamaanka Soomaaliya kulan ay ku yeesheen Muqdisho Aug.21,2012 waxay ku ansaxiyeen Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa oo lagu wado inay dhacdo dhawaan.
.
Kulankan oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Gen. Muse Xasan Cabdulle ayaa waxa ay xildhibaanadu ay cod gacantaag ku doorteen,kuna ansixiyeen 15 xubnood oo ah Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
.
Waxaa kale oo la sheegay in doorashaada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisu ay dhici doonto 26 ka bishan.
.
Magacyada xubnahaas ayaa waxay kala yihiin sida soo socota sida lagu sheegay warbaahinta qaranka.
Caasho Xaaji Cilmi
Xasan Macalin Xuseen
Nuur Iidoow Beyle
Maxamed Maxamuud Guure
Sahro Jaamac Cali
Ciise Maxamuud
Maxamed Ismaaciil
Khadiijo Maxamed Diiriye
Caadil Sheegoow Sagaar
Maxamed Warsame
Fowsiyo Maxamed Sheekh
Cismaan Libaax
Sahro C/qaadir
Ciise Maxamed Cali
Feysal Cumar Guuleed