Suuriya Oo Sheegtay “Falaagada oo Laga Saaray Xalab”
Laaska News August 22, 2012
Dagaal xooggan oo qaatay laba maalmood ayay ciidamada Suuriya kaga saareen falaagada laba degmo oo ay degaan ama leeyihiin kirishtaanku oo ku yaal caasimadda waqooyiga dalka ee Xalab.
.
Marka loo eego sida ay ku warantay Wakaaladda wararka oo ay leedahay Suuriya ee Al-An tobonaan falaagada ah ayaa lagu dilay Talaadadadii degmooyinka Djeida iyo Tilal.
.
Waxaa laqabtay 5 hogaamiye oo falaagada ah,hub farabadan iyo waxyaalaha qarxa.
.
Sidaana waxaa qortay VOR oo soo xiganaysa TASS.
.
Aug. 22, 2012
.
Warka La Xidhiidha
Dagaal Qadhaadh oo Kasoconaya Xalab (Warkii August 21, 2012)
Warkii August 21, 2012
Dagaal xooggan ayaa ku soconayay badhtamaha magaalada Xalab ee Suuriya. Haweenay Wariye ah oo u dhalatay Japan ayaa geeriyootay kadib markii uu soo gaashay dhaawac culus.
.
Koonfurta magaalada diyaaradaha helikobtarka ah ayaa weerar ku hayay goobaha falaagada. Waxaana laga maqli karayay Is-rasaasayn badhtamaha magaaalad ee Xalab.
.
Qaxootiga ayaa afka saaray deegaanada galbeedka magaalada ah ee nabdoon,waxaana qaybo magaalada Dimishiq ah kasocda hawl gallo malatari,sidoo kalana waxay hawla galadaas waxay ka socdaan xadka Urdun – Suuriya.
.
Wakaaladda Wararka ee Faransiiska ayaa ku warantay qiyaastii 100 qof inay ku dhinteen Suuriya Isniintii.
Laaska News