Archive
Muqdisho Oo Magacaabis PM Ugu Dabaal Dagtay Rasaas Madaxtooyada Oo Beenisay,Xukuumadda Oo Ka Digtay Ridista Rasaasta
Laaska News Sept. 26, 2012
Muqdisho -iyadoo ay shacabka Soomaaliyeed ay dhegaha u taagayaan shaksiga uu noqonqyo PM dalka ee uu ku dhawaaqi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wararka lahga helayo caasimadda soomaaliya ee Muqdisho ayaa ku soo waramaya in Muqdisho looga dabaaldagay magacaabis Ra’iisal Wasaare oo ay shacabku maqleen in la magacaabay, rasaas dabaal deg ahna ay ciidamadu rideen Sept.25, 2012. Read more…
UN Envoy Lakhdar tells UN Council Syria Conflict Worsening
Laaska News Sept. 25, 2012
Ergayga Qaramada Midoobay & Jaamacadda Carabta u qaabilsan Suuriya oo warbixintii u horraysay ugudbiyay golaha Amniga ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Isniintii ayaa sheegay in xaaladda Suuriya ay kasii darayso oo dagaalka sokeeye ee Suuriya uu sii xumaanayo,dalkana ay kusii kordhayso dhibaato xagga cuntoda ah (dalka oo ay kasii yaraanayso cuntada) sida waxaa laga sheegay kulan albaabadu uxidhan yihiin oo ay xubnaha goluhu la yeesheen. Read more…
Somalia – Dad Rayad Ah Oo Ku Dhintay Rasaas La Sheegay Inay Laba Ciidan Iskurideen
Laaska News Sept. 25, 2012
Muqdisho -, Sept.24 -Israsaasayn dhexmartay Laba ciidan oo kawada tirsan ciidanka dawladda ayaa la sheegay inay ku dhinteen 4 qof, kuna dhaawacmeen 3 kale kadib markii ay rasaastaasi haleeshay mid kamid ah gaadiidka isaga dhex goosha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo degmada Afgooye. Read more…
Somalia- Madaxweynaha JFS Oo Qaabilay Wakiilka M Y (Sept.22,2012)
Laaska News Sept. 23, 2012
Muqdisho, (Sept.22,2012)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay xaruunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed Danjiraha Midawga Yurub usoo magacawday inuu Safiir uga noqdo Waddanka J F Somalia.
.
.
Ciidamada Dawladda Iyo Kuwa AMISOM Oo La Sheegay Inay Gaareen Deegaano U Dhaxeeya Balcad iyo Jawhar (Sept. 22, 2012)
Laaska News Sept 23, 2012
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa kusoo waramaya in ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ay shalay gaareen deegaanno u dhaxeeya balcad iyo Jawhar, ayna halkaasi kajirto dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemayo deegaanadaa. Read more…
Somalia – Xildhibaan Lagu Dilay Muqdisho Caawa (Sept.22, 2012)
Laaska News Sept. 22, 2012
Magaalada Muqdisho wararka ka imanaya ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay dabley hubaysan ay ku toogteen fiidkii hore ee caawa (waqtigii salaadda). Read more…
Kenya Aamini Mayno, Shacabka Soomaaliyeed Ee Kismaayo Colaadda Iyo Qaxa Lagu Wadona Lagama Aamusi Karo
Laaska News Sept. 22, 2012
Waxaa la yaab leh in shacabka soomaaliyeed nooc uu yahayba, siyaasi, aqoonyahan, madax dhaqameed, culumo, mid kasoo jeeda kismaayo iyo mid kale, mid qabiil sheeganaya, mid kursi doonaya iyo waliba masuuliyiinta dawladda iyo baarlamaankaba, muwaadin caadi ah, intaba la waayo cid kahadasha magaalo dhan oo ay ku noolaayeen kumaankun qof oo maato iyo caruur ah oo la qaxinayo, oo la baqdin galinayo oo la leeyahay magaaladii ay daganaayeen ayaa la weerarayaa oo muddo sanad ku dhaw lagu hayo colaad joogta ah, qiilka loo haystaana uu yahay waxaa laga saarayaa rag haysta dakadda iyo shabaab, wax qof caqli, aqoon, damiir iyo dadnimo leh uu qaadan karo maaha, waxaa la yaab leh hay’adihii caalamka iyo idaacadihii ayaa sheegaya in dad kumaankun ah ay kaqaxayaan oo laga dayrinayo xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaas haddana Soomaali cid ka hadlaysaa ma jirto. Read more…
Qaraxyo Muqdisho Ka Dhacay Oo Gaystay Qasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh (Sept.20,2012)
Laaska News Sept. 21, 2012
Waxaa lagu soo waramayaa in qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho shalay maqribkii ay ku dhinteen dad gaaraya 16 qof, ayna ku dhaawacmeen dad kabadan 20 qof oo hadda lagu dawaynayo isbitaalada muqdisho. Read more…
Wararka ka imanaya deegaanada Koonfurta Soomaaliya ayaa ku soo waramaya in dad rayad ah oo xoolo dhaqato ah oo kusugnaa deegaanka lagu magacaabo Janaay Cabdalle oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose ay ciidamada kenya ee ka tirsan ciidamada huwanka ah ee dagaalka kaga jira aagga J/Hoose ay axaddii ( Sept. 23) ku dileen dad reer guuraa ah ama xoolo dhaqato ah oo la sheegay inay ahaayeen dad rayad ah oo aan hubaysnayn, qaar kalana ku dhaawacaeen, warkaas oo si xoog leh usoo baxay lagana sheegay warbaahinta.