Archive
Wasaaradda A Gudaha Ha Loo Daayo Shaqadeeda, Haddii La Doonayo Qawlaysatada In Laga Sifeeyo Afgooye Iyo Ciidanka Dhexdiisa
Laaska News July 31, 2012

Warka kasoo yeedhay Afgooye ee ah cabashada ay shacabka Afgooye ee uu hor kacayo Gudoomiyihii Degmada Afgooye ay ugudbiyeen madaxweynaha iyo wafdigiisi kormeerka ku tagay 30/7/2012 waxay ciddii maqashay ay ku noqotay la yaab iyo fajaciso,kadib markii la maqlay Gudoomiyihii Degmada oo ilmaynaya ayaa eedeeymo usoo jeediyay qaar ka tirsan ciidanka,kuna eedeeyay inay geysanayaan jidhdil,kufsi iyo dhac. Read more…
Madaxweyne Shariif Oo Ku Dhawaaqay tallaabooyin ay Dawladdu ka Qaadatay Xaaladda Afgooye – SAWIRRO
Laaska News July 31, 2012
“Tallaabadaasi waa bilaabatay dadkii lagu eedeeyay dad kamid ahna tallaabo ayaa lagag qaaday intii aan meesha wada joognay”- President Sharif

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Sheekh Shariiff Sheekh Axmed ayaa jawaab degdeg ah kabixiyay cabashada ay u gudbiyeen shacabka ku dhaqan Afgooye xilli uu shalay uu kormeer gaaban ku tagay magaalada Afgooye kadib markii dadka deegaankaasi ay madaxweynaha iyo wafdigiisii ugudbiyeen eedeymo ku lid ah qaar ka tirsan ciidanka dawladda oo qawlaysi kula dhaqaaqay shacabka halkaa ku dhaqan ee Soomaaliyeed. Read more…
Gudoomiye Ilmaynaya Oo Madaxweynihiisi U gudbiyay Cabasho
Laaska News July 31, 2012
Shacabka degmada Afgooye oo cabashadii ugu adkayd u gudbiyay Madaxweynaha Iyo Ciidankii Oo Fadeexad Ka qaaday Goobta.

Iyadoo ay soo kordhaysay qayla dhaanta ka imanaysa dadka kunool deegaanka Afgooye iyo waliba dadka ku socdaala wadada dheer ee udhaxaysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye kana cabanaya kuna eedeynaya in xad gudubyo ay u geysanayaan kooxo qawlaysato ah oo Ciidan ah oo ka tirsan ciidanka dawladda ee ku sugan deegaanka Afgooye ayaa Madaxwynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayo ay socdaal ku tageen magaalada Afgooye. Read more…
Madaxweyne Shariif Oo Socdaal Ku Tagay Markii Saddexaad Afgooye (July 30,2012),Kulamana Laqaatay Odayaasha – SAWIRRO
Laaska News July 31, 2012

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa socdaal ku tagay magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose maalintii shalay oo bisha Luulyo ahayd 30,2012 , wuxuuna halkaa kulamo kula qaatay odoyaasha deegaanka iyo mas’uuliyiinta Degmada Afgooye. Read more…
Madaxweyne Shariif Oo Socdaal Kutagay markii Labaad Afgooye
Muqdisho – Wararka laga helayo caasimaadda dalka ayaa kusoo waramaya in Madaxweynaha J. Soomaaliya Md Shiikh Shariif Sh. Axmed oo ay weheliyaan Wasiirka A. Gudaha & Beeraha uu maanta galinkii dambe socdaal kutagey magaalada Afgooye,kulamana la leeyahay dadka deegaanka iyo ciidamada deegaankaa kusugan sida lagu sheegay warbaahinta . Read more…
Madaxweyne Shariif Oo Booqday Afgooye,Kana Nabad Galay Weerar Jid Gooyo ah
Muqdisho – Wararka ka imanaya caasimaadda dalka ayaa kusoo waramaya in Madaxweynaha Soomaaliya Md Shiikh Shariif Sh. Axmed oo ay weheliyaan xubno wasiiro ah,masuuliyiin xukuumadda ah,ciidamo iyo wariyayaal ay maanta socdaal ku tageen magaalada Afgooye oo uusan caga dhigin mudadii uu madaxweymaha ahaa . Read more…