Archive
Madaxweyne Shariif,PM Gaas,Afhayeenka Baarlamaanka Oo Dalka Kusoo Laabtay Laguna Soo Dhaweeyay
Muqdisho,Somalia,23Jun 2012 –Waxaa gagida diyaaradaha caalamiga ee “Adan Cadde Airport” Muqdisho waqtiyo kala duwan oo maanta ah kasoo dagay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,iyoAfhayeenka Baarlamaanka,waxaana halkaa loogu soo dhaweeyay si diiran. Read more…
Ra’iisal Wasaaraha Oo Socdaal Ku Tagay Turkiga
Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof.Cabdiwali Maxamed Caligas ayaa socdaal ku tagay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga shalay oo bishu ahayd 29/5/2012, halkaas oo ay kaga qayb galayaan shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Read more…
Ra’iisal Wasaare Cabdiwali Oo u Ambabaxay Kenya
Muqdisho – Mar. 29 -Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali-gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya,halkaas oo uu kaga qayb galayo shir looga hadlayo arrimaha Road mapka,sida lagu sheegay warbaahinta Qaranka. Read more…
Muqdisho – Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Oo Dalka Ku Soo Laabtay
Laaska News Warka TFG da.

Muqdisho, March 16 - Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/samad Macallim Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka warbixiyay safarro shaqo uu ku tagay wadamo dhowr ah, isaga oo shaaciyay in jaaliyadahaku nool dalalka Ingiriiska iyo Canada ay si weyn uga qeybqaadan doonaan dib u dhiska dalka. Read more…
Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Oo la kulmay Ku xigeenka Hillary Clinton – Sawirro
Laaska News Mar. 12, 2012 WARKA TFG da
Nairobi, 10 March 2012 - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa fiidkii Sabtiga kula kulmay magaalada Nairobi Haweeneyda Wendy Sherman oo ah ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Mareykanka oo u qaabilsan dhanka Siyaasadda. Labadan mas’uul ayaa kulankooda uu ka Read more…
Muqdisho – Af-hayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Oo Ku Soo Noqday Waddanka
Waxaa lagu soo waramayaa in Afhayeenkii Baarlamaanka Soomaaliya Mr.Sharif Xasan Shiikh Adan uu maanta Waddanka kusoo noqday,kana soo dagey Gagida Caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport (Ex Mogadishu Read more…
Somalia,”Xilliga Kala Guurka Ah Waa Inuu Dhamaadaa August 20,2012″ – Somali PM

WARSAXAAFADEED
(Oslo, 28 Febraayo, 2012) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Norway ayaa sheegay in Xilliga Kala Guurka ah uu ku egyahay August 2012 oo aysan jiri doonin muddo kororsi danbe.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “ Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waxaa ka go’an in Xilliga KMG ah la soo afjaro August 2012 oo Soomaaliya ay yeelato Dowlad Rasmi ah oo u adeegeysa Shacabka Soomaaliyeed. Read more…
Ra’iisal Wasaare Prof. Cabdiwali Oo Kormeeray Xaruuntii Safaaradda,Hoygii Danjiraha Soomaaliya ee Biljam,Lana Hadlay Jaaliyadda – SAWIRRO
Laaska News Feb. 21, 2012 Warka TFG da

R/wasaaraha Dawladda Federalka ah ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wadi uu hogaaminayo oo booqasho ku joogo Xarunta Dalka Biljam ee Brussels, ka dib uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxda Midowga yurub iyo dowladda Biljamka. Read more…
Somalia:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Soo gaaray Djibouti
Laaska News Feb. 4, 2012 Warka TFG da
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Sabtigii 4ta February soo gaaray Djibouti si uu uga qeybgalo shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG). Read more…
JABUUTI:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti + SAWIRRO
Laaska news Jan 12, 2011 WARKA TFG da (RM .Codka J . SOM)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte.