Archive
UN Envoy Lakhdar tells UN Council Syria Conflict Worsening
Laaska News Sept. 25, 2012
Ergayga Qaramada Midoobay & Jaamacadda Carabta u qaabilsan Suuriya oo warbixintii u horraysay ugudbiyay golaha Amniga ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Isniintii ayaa sheegay in xaaladda Suuriya ay kasii darayso oo dagaalka sokeeye ee Suuriya uu sii xumaanayo,dalkana ay kusii kordhayso dhibaato xagga cuntoda ah (dalka oo ay kasii yaraanayso cuntada) sida waxaa laga sheegay kulan albaabadu uxidhan yihiin oo ay xubnaha goluhu la yeesheen. Read more…
Itoobiya “Malez” Oo La’aasay
Aug. 2 – R/wasaarihii hore ee Itoobiya Malez Zenawi ayaa la sheegay in maanta lagu aasay magaalada Addis-Ababa kadib markii dalkaas looga sameeyay baroor diiq iyo kulan ay qayb galeen qaar ka mid ah madaxda afrika.
Venezuela – Dhimashada Qarax Sifayn Shidaal Oo Gaadhay 41 Qof
Laaskanews August 27, 2012
Qarax ka dhacay sifayn Batrool oo ku taala Venezuela, gaystayna waxyeelo farao badan ayaa la sheegay in dadka ku geeriyooday ay tiradoodu gaadhay 41 qof. Read more…
Suuriya-Asad- Waxa Suuriya Kasocda Kuma koobna,Laakiin Waa Qorshe Goblka Oo Dhan Ah
Laaskanews August 27, 2012

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa sheegay in waxa ka jira Suuriya aysan ahayn wax Suuriya kaliya ku kooban ama ku socda laakiin waa qorshe ku wajahan gobolaka oo dhan, sida laga sii daayay TV ga. Read more…
Norway – Breivik sentenced to 21 years in prison for Norway attacks
Laaska News August 24, 2012

Ninkii Norway ku dilay 77 da qof ee ay ku jireen labada qof ee Soomaalida ahaa 22 kii Luulyo 2011 kii, ayaa maxkamad ku taal Magaalada Oslo ee dalka Norway ay ku xukuntay 21 sano oo xabsi ah,ninkaas oo lagu magacaabo Anders Breivik, wuxuuna dadkaa ku laayay laba meelood oo meeli tahay meel camp dhalinyara ah oo ku taal Utoya Island, halka meesha kalana ay ahayd xaruunta dawladda ee Oslo, ninkaasi markuu kaamkaa dadka kulaynayay wuxuu usoo gashaday dharka Booliska, wuxuuna iskasoo dhigay qof Boolis ah. Read more…
Suuriya Oo Sheegtay “Falaagada oo Laga Saaray Xalab”
Laaska News August 22, 2012
Dagaal xooggan oo qaatay laba maalmood ayay ciidamada Suuriya kaga saareen falaagada laba degmo oo ay degaan ama leeyihiin kirishtaanku oo ku yaal caasimadda waqooyiga dalka ee Xalab.
.
Marka loo eego sida ay ku warantay Wakaaladda wararka oo ay leedahay Suuriya ee Al-An tobonaan falaagada ah ayaa lagu dilay Talaadadadii degmooyinka Djeida iyo Tilal. Read more…
Suudaan Diyaarad Ku Burburtay Oo Ay Ku Dhinteen 31 Qof Oo Uu Kujiro Wasiir
Laaska News August 19,2012
Diyaarad ku burburtay dalka Suudaan ayaa la sheegay inay ku dhinteen 31 qof oo uu kujiro Wasiir iyo xubno kale oo waheliyay oo usocday wafdi ahaan inay uga qayb galaan munaasabadda ciidda,sidaana waxaa sheegatay warbaahinta dalka. Read more…
Suuriya- Ciidamada Oo Furtay Wariyayaal Afduub Loo Haystay
Laaska News August 16, 2012
Ciidamada Dawladda Suuriya Waxay furteen saddex wariye oo ka tirsanaa TV ga Al Ikhbaariya kuwaas oo Jimcihii lasoo dhaafay laga qabsaday meel kabaxsan Dimishiq,ayna qabsadeen falaago katirsan ciidanka Xorraynta Suuriya. Read more…
Suuriya – Ururka Islaamka Oo Ka Joojiyay Xubinnimadii
Laaska News August 16, 2012
Ururka Iskaashiga Islaamka oo laba maalmood shir aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Barakaysan ee Maka ayaa hogaamiyayaashu xaqiijiyieen joojinta xubinnimada dalka Suuriya ay ku leedahay ururkaa.
Warkaasina wuxuu kamid yahay warmurtiyeedka kasoobaxay dhamaadka Shirka. Read more…