Archive
Madaxweyne Shariif Oo Ku Dhawaaqay tallaabooyin ay Dawladdu ka Qaadatay Xaaladda Afgooye – SAWIRRO
Laaska News July 31, 2012
“Tallaabadaasi waa bilaabatay dadkii lagu eedeeyay dad kamid ahna tallaabo ayaa lagag qaaday intii aan meesha wada joognay”- President Sharif

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Sheekh Shariiff Sheekh Axmed ayaa jawaab degdeg ah kabixiyay cabashada ay u gudbiyeen shacabka ku dhaqan Afgooye xilli uu shalay uu kormeer gaaban ku tagay magaalada Afgooye kadib markii dadka deegaankaasi ay madaxweynaha iyo wafdigiisii ugudbiyeen eedeymo ku lid ah qaar ka tirsan ciidanka dawladda oo qawlaysi kula dhaqaaqay shacabka halkaa ku dhaqan ee Soomaaliyeed. Read more…
Madaxweyne Shariif Oo Socdaal Ku Tagay Markii Saddexaad Afgooye (July 30,2012),Kulamana Laqaatay Odayaasha – SAWIRRO
Laaska News July 31, 2012

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa socdaal ku tagay magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose maalintii shalay oo bisha Luulyo ahayd 30,2012 , wuxuuna halkaa kulamo kula qaatay odoyaasha deegaanka iyo mas’uuliyiinta Degmada Afgooye. Read more…
Madaxweyne Shariif Oo Socdaal Kutagay markii Labaad Afgooye
Muqdisho – Wararka laga helayo caasimaadda dalka ayaa kusoo waramaya in Madaxweynaha J. Soomaaliya Md Shiikh Shariif Sh. Axmed oo ay weheliyaan Wasiirka A. Gudaha & Beeraha uu maanta galinkii dambe socdaal kutagey magaalada Afgooye,kulamana la leeyahay dadka deegaanka iyo ciidamada deegaankaa kusugan sida lagu sheegay warbaahinta . Read more…
Xildhibaano Kasoo Jeeda Bay Iyo Bakool Oo Kasoo Horjeestay Xil Kaqaadista Wasiirka Beeraha
Muqdisho -Waxaa dhawaan xilka laga qaaday Wasiirkii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,laguna baahiyay warbaahinta qaranka. Read more…
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Oo Xilkii Laga Qaaday – Wareegto Xafiiska Madaxweynaha
“Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Oo Xilkii Looga Qaaday Wasiirka Wasaaradda Beeraha”.
Muqdisho- Mar.29, 2012 – Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Beeraha,Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa.
Wareegtadan oo Lambarkeedu ahaa 086 kuna taariikheysneyd 28/03/2012 cinwaankeeduna ahaa Xil Ka Qaadis Wasiir ayaa lagu yiri:-