Home > Faallo, PUNTLAND, TFG Somalia > Mawqifka Puntland eeku aadan Magacaabista Raysalwasaaraha Cusub ee Somalia Dr Maxamed-Bashiir Farmaajo,ayaa Waxa si rasmi ah uga hadlay Madaxweynaha puntland Dr C/raxman Faroole-Dhageyso

Mawqifka Puntland eeku aadan Magacaabista Raysalwasaaraha Cusub ee Somalia Dr Maxamed-Bashiir Farmaajo,ayaa Waxa si rasmi ah uga hadlay Madaxweynaha puntland Dr C/raxman Faroole-Dhageyso

Sunday, October 17, 2010

Warka Laaska News (Lasanod) October 17,2010

Madaxwynaha Puntland Mr.Faroole oo ay waraysatay Laanta Somaliga ee BBC da oo ka hadlay mawqifka PL ee R/Wasaaraha Cusub iyo Arimo badan oo laxiriira Pl iyo Somalia

 

Tan iyo markii Madaxweynaha Somalia Sh.Shariif Sh Axmed u magacaabay Dr.Maxamed-Rashiid Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Waxaa warbaahintu faafinayeen faalooyin iyo warar aan rasmi ahayn oo ku saabsan taageeridda uu Raysal Wasaaraha cusubi ka helayo dadka ama ka waayay,waxaana inta badan xoogga saareen in taageeradiisu ay ku xirnaan doonto sida loola shaqeeyo iyo sida uu taageero uga helo maamulka Puntland iyo Mawqifka rasmiga ah ee ka soo baxa maamulkaas.

 

 

Haddaba,inkastoo horay loo shaaciyay war uu sii daayay masuul sare oo maamulka puntland ah oo aan dadku jeclaysanwixii kasoo yeeray, haddase noqday war isaga gaar ku ah  mar haddii Madaxwynihii Puntland Mr faroole uu waraysi ay la yeelatay laanta BBC af -Soomaaliga ku sheegay

inay taageersan yihiin Magacaabista Raysal Wasaaraha Maxamed Cabdullaahi, cid kasta oo la magacaabo,ayna soo dhawaynayaan.

 

Arrintaas oo u muuqata inay meesha kasaarayso  wixii horey diidmo ama duris ahaa,ama ku tiri ku teen ahaa.

 

Madax.Faroole Wuxuu qiray” in aan lagala tashan magacaabista Raysal Wasaaraha, Madaxweynuhuna  uusan  Kala tashan, hadduu ku xumaadan anaga eed naga saari maayo!!!.

 

Madaxweyne Faroole arrimo badan oo Xasaasi ah ayuu ka hadlay iyo Wax yaalaha ay ka rabaan in Raysal Wasaaraha hirgaliyo oo horyaala.

 

Mr Faroole Waxa kale uu dawladda usoo jeediyay in la hir galiyo heshiisyo horay  ay u wadagaleen Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Puntland.

 

Waxaa kale oo Faroole shaaca ka qaaday in Raysal wasaarihii hore aan malaynayo waxyaalaha lagu eryay ay tahay waxyaalihii  heshiisyadii  hore iyo hirgalintoodii  iyo arrimaha Federaalka oo uu ku dhagay.

Waxaa kale uu xusay in laga waan toobo dadka kasoo horjeeda in la dhamaystiro Dastuurka qabyada ahaa,lana dhamaystiro.

Mr. Faroole waxa kale uu sheegay in waxyaalo ay tuhun san yihiin inay jiraan,waxaana loo baahan yahay in meesha laga saaro tuhunka.

Wixii Puntland dhib u keenaya inaan gacan la siin iyo kooxo si gaar ah wax u wada,Qolooyin shidda wada oo xafiisyada qaarkood aan is leenahay  gacan baa laga siiyaa.

 

Madxweyne Faroole waraysigani aragtidayda waa mid qeexaysa mawqifka rasmiga ahee Dawlad Goboleedka Puntland ay ka qabto Dawladda Somaliyeed iyo habka Federaalka,kana tirsan yihiin Dawladda Somaliyeed,taas oo uu meesha ka saaray haddii Pl weydo Raysal Wasaaraha waxa ka soo bixi kara!!!

 

Wuxuuna  waraysigaas meesha ka saaray cidaan ……. ahayn waxba uma ogola ama Puntland kasoo jeedin ,wuxuuna ilaaliyayna inaanay dhicin kala Fogaansho Beesha Mareexaan,wuxuuna wax weyn u taray ninkii Pland ka soo jeeda oo Barri jagadaas oo kale ka raba Somalia.

Madaxweyne Faroole:Waxuu si cad u sheegay inaanu taageersanayn arrinta 4.5

 

Qodabkan in badan oo Soomaali ah ayaa awalba diidanayd -Nin Cadaalad doonaya wuxuu taageero maaha arrintaas saa ilaa hadda waxa la hadal hayaa Ragga iyo Haweenku Ma sinna iyo Kacaankii ,ee umaddu maxay u arki Weyday Raggu ma sinna!!!!!!!!! 4.5

Arrinta aanan wali fahmin waa arrinta Madaxweyne Faroole ka hadlay ee ku saabsan :

*Ehlu Sunaha waljamaaca, in heshiiskoodii la hirgaliyo!!!!

*Qolooyinka Shidada Wada.

 

Gabagabadii : Waxa cadaatay in Pl ay diyaar u tahay inay la xisaabtanto Dawladda Somalia,waana arrin wanaagsan in la xisaabtamo.

Waxayna taageeradaas ku xidhan tahay sida arrimaha ay puntland ay ka hadashay ee kula dardaarantay Raysal Wasaaraha cusub , sida dawladda Somalia u hirgaliso,arrimaha yaalana ilama aha dawladda hadda taagan miday xal u hayso marka  Raysal Wasaaraha Waxaa ku dhici karta tii ku dhacday Sharmaake II.waa haddii uu ku yimid tii 4.5 ,haddi kale ……..

 

 

laakiin arinta xamar waa Faanoole Fari kama Qodnee!!!!!,iimaansada Pl !!!!!oo Cadaaaladda iyo nabadgalyada suga,idin kaan markaa waxba uga baah naanayn Xamar,oo marka siiya xafiisyo ay dawladdu ku shaqayso,xalkuna wuxuu ku jira inay dadku wada hadlaan oo dib u heshiis la sameeyo.

Ka Dhageyso halkan waraysiga oo dhan ee BBC Somali la yeelatay Madaxw.Puntland Mr Faroole

 

http://www.bbc.co.uk/somali/war/2010/10/101016_puntland.shtml

 

 

Laaska News