Home > SOMALI NEWS, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Raysal Wasaaraha cusub oo waraysi gaar ah la yeelatay VOA,Waraysi Gud.Baarlamaanka oo Xasaasi ah,iyo Xubno kale Dhagayso

Somalia:Raysal Wasaaraha cusub oo waraysi gaar ah la yeelatay VOA,Waraysi Gud.Baarlamaanka oo Xasaasi ah,iyo Xubno kale Dhagayso

Sunday, October 31, 2010

Mogadisho(Laaska News).

Waxaa waraysi gaar ah ay la yeelatay idaacadda VOA laanta Soomaaliga Raysal Wasaaraha cusub,Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,ansaxinta kadib,waana waraysi meelo badan taabanaya.

Suaalaha laweydiiyay Raysal Wasaarha waxaa ka mid ah Dareenkiisa?,waxay xoogga saarayso dawladiisa ee mudnaanta ah?,magacaabistiisu dhibta lagala kulmay?,inaanay Itoobiya ku qanacsanayn?,nooca Dawladiisa?,Caqabadda ay la kulmi doonto ansaxinta Dawladiisa?,kooxaha ka soo horjeeda intooda dhexdhexaadka ah in laga qayb galinayo?

Su’aalaha iyo qaar kale jawaabahooda ka dhageyso waraysiga ay la yeelatay VOA xagga hoose.

Waxaana Jawaabihiisa kamid ahaa Raysal Wasaaraha:

“Dareenkaygu waa wanaagsan yahay ,waana guul Soomaali oo dhan usoo hoyotay”.

Waxaa kale oo soo jeediyay “Dib uheshiisiin” iyo “wadahadal haddi kooxaha Mucaaradka ah ay aqoonsadaan Dawladda”.

“Waxaana mudnaanta siiyay Nabadda,Nabadda,Nabadda.”

Waxaa kaloo waraysi la la yeeshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo suaalo ay ka mid yihiin inuu jiray Gorgortan wasiir aad ka rabteen? Arrintaas oo waxba kama jiraan ka dhigay.Waxaana kale uu sheegay inay san waxba ka dhaxayn isaga iyo madaxweynaha.

speaker of Parliament Shariif Hassan VOA

Waxaa kale oo aad ka helaysaa halkan sida Doorashadu u dhacday iyo  Cabdiraxmaan Cabdi shakuur oo codaynta kor sheegay inay ka tanaasuleen habkii Qarsoodiga ahaa,taas oo waxba kama jiraan ka dhigaysa tii maxkamaddu soo saartay,waxayna u muuqataa in Baarlamaanka dhexdiisa iska xaliyay.

Raysal Wasaare Farmaajo-VOA

Source: VOA

Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in hawli aanay kaw ahayn,loona baahan yahay in Baarlamaanku ay xor ka noqdaan wixii wax u dhimaya magacooda ,Sharaftooda,iyo dadka ay matalayaan.

Waana inay xoriyad uhelaan codkooda,taana waa in xubin kastaa oo Baarlamaanka ka mid ah ay heshaa Nabadgalyo,Dhaqaale,iyo dastuur iyo xeer cad ay raacaan.

Waana Masuuliyad Dawladda saaran,haddii kale qof nabadgalyadiisi ka walwal qabaa ama Noloshiisi caadiga ahayd ama nolol maalmeedkiisi codna maleh,xorna maaha.

Waana aragtida kaliya ee horumar lagu gaari karo,waxayna yaraynaysaa in Baarlamaanka lakala qaybiyo.

Waana in xeer laga soosaara Musuqmaasuqa lagula dagaalamayo iyo magac xumada ee la leeyahay lacag baa laqaybiyay ama lacag baanu bixin.

Arrinta Kale Waa Duqaynta iyo dilka dadka muwaadiniinta Rayidka ah,waana in islaamiyiinta la fahmaa inay Soomaali yihiin dalkana wax ku leeyihiin,haddii aanay nabadgalyo helin qof kasta oo Soomaali ah,isaguna ogolaan maayo in uu isna nabadgalyo bixiyo.

Waana in qof walbaa damaanad helaa Naftiisa iyo maalkiisa.

Laaska News.