Home > TFG (A+), TFG Somalia > Raysal Wasaare Farmaajo oo la dhaariyay-Sawirro

Raysal Wasaare Farmaajo oo la dhaariyay-Sawirro

Monday, November 1, 2010

Laaska News  Nov 1,  2011

 

Photo::galgala news

Xaflad maanta ka dhacday Guriga Umada xaruna u ah Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa lagu dhaariyay Raysulwasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay la ansixiyay, waxaana xalfaddaas goobjoog ka ahaa madaxweyne Sheeh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, wasiirradii hore iyo xildhibaannada baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif xasan Sh Aadan ayaa dhaariyay Raysulwasaaraha oo la marsiiyay Magaca Ilaaheey in uu xilkiisa u gudanayo si daacad ah oo danta Diinta, dadka iyo dalka ku jirto, dhowraayana axdiga iyo shuruucda dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Adam waxa kale oo  ugu baaqey xildhibaanada  Baarlamaanku in ay la shaqeeyaan Raysalwasaaraha isla markaasna taageeraan.

 

 

Sii haya Xilka Raysulwasaaraha Dr.abdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo sheegay in ay soo dhaweynayaan  golihii hore ee  wasiirada Raysulwasaaraha cusub ayna si fiican ula  shaqen doonaan si loo helo nabad iyo Dowladnimo.

 

 

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa xafladdii xilwareejinta u mahadceliyey xildhibaanada, waxaana uu sheegay in maanta loo baahan yahay dawlad yar oo kooban isla markaana shaqeyn karta waxna ka qabata amaanka.

 

 

 

Waxaa hada laga sugaaba Raysulwasaare Farmaajo Xukuumada Cusub oo si deg deg ah loo soomagacaabo maadaama waqtigu aad u yar yahay waxaana laga wada dhawaajiyey in ay koobnaan doonto xukuumada cusubi  maadaama waqtiga u haray dowladan uu aad u kooban yahay  iyo sidii ay uga gudbilahayd caqabada horyaal.

 

 

Dadka aad ka loo hadla hayo inay ka dhex Muuqdaan Golaha xukuumada Cusub ee Somaliya ayaa la sheegay inay ka Mid Yihiin Xildhibanaad Caasha Ahmed Cabdalla oo In badan Mucaarad ahayd Hase yeeshee u Muuqata Wakhtigan Mid ay aad isugu dhow dhowyihiin Raisalwasaaraha, sidoo kale Abdi Kariin oo ah Agaasimaha Madaxtooyada Somaliy isla markaana dhawaan Shariif Sheegay inuu Raisalwasaare ka dhigayo ayaa la sheegay, Waxa xusid mudan in Golaha xukuumada ay ay Kaalin wayn ku Yeelandoonaan Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Madaxwaynaha Somaliya Sheekh Shariif oo Labadooduba wata Rag ay Saxiib Yihiin in loo Magcaabo Jagooyinka Miisaanka leh sida Arimaha dibada iyo Maaliyada Lamana Yaqaan in Raislawasaaraha Cusub ee aqbalidoono Shaxda Cusub ee Masuuliyiinta Dawladu Codsadaan.

.

Daawo Sawirada.

.

Xuquuqda:-Galgalanews Xus Fadlan

 

 

 

 

 

 

.

From Left: The 4th(MP Awad Ahmed Ashara)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Source: Galgala, Jawhar

.

Mahad Gaar ah Galgala News and Jawhar.com

.

 

Warka la Xidhiidha:

October 17,2010

Mawqifka Puntland eeku aadan Magacaabista Raysalwasaaraha Cusub ee Somalia Dr Maxamed-Bashiir Farmaajo,ayaa Waxa si rasmi ah uga hadlay Madaxweynaha puntland Dr C/raxman Faroole-Dhageyso

(14 Oct 2010)

Madaxweyne Sh.Shariif oo u magacaabay Raysal Wasaare Dr.Maxamed-Bashiir Cabdullaahi Maxamed(Farmaajo) Kana soo jeeda Beesha Cabudwaaq-Dhageyso Magacaabista

Laaska News.