Home > ALL DARWIISH NEWS, SOMALI NEWS, Somaliland, WARARKA > Garaad Abshir Saalax oo ceegaag.com uga waramay shirka Widhwidh ee odayaasha Deegaanka iyo Wasiirada Somaliland

Garaad Abshir Saalax oo ceegaag.com uga waramay shirka Widhwidh ee odayaasha Deegaanka iyo Wasiirada Somaliland

Wednesday, November 3, 2010

Laaska News-Somalia.

Shabakadda ceegaag.com ayaa waxay waraysi la yeelatay Garaad Abshir Saalax oo kamid ah isimada Beesha Sool,waxayna ka waraysatay shir ka socda Degmada Widhwidh,oo uga socda odayaasha degmada Widhwidh iyo wafdi wasiiro ah oo ka socda Somaliland,waxa uu garaadku qiray in meel fiican ay marayaan wadahadaladu,waxyaalaha qaarna laysla ogolaaday waxyaaalaha dhimana la  dhamaystirayo,waxaana laqabtay oo loo saaray guddiyo farsamo.

Waxa garaadku sheegay in waxyaalaha ay kawada hadleen oo ay ka heshiiyeen ay kala yihiin:

  1. In ciidamada Somaliland laga qaado deegaanka Widhwidh.
  2. in la bixiyo  dadkii lagu dilay dagaalka ka dhacay magaalada Widhwidh ee ciidamada somaliland halkaas ka geysteen.
  3. in la soo daayo maxaabiistii dagaalkaas ka dhacay Widhwidh lagu qabtay.

Ujeedada ugu weyn shirkan ayaa ah nabadgalyada deegaanka iyo in nabad lagu wada noolaado.

Waxaa kale oo garaadku sheegay inaanay ahayn shir gaar u ah beesha widhwidh iyo somaliland ee uu yahay mid guud oo aysan jirin dan gaar ah oo aan kaleenahay somaliland,isagoo ka jawaabaya suaal uu weydiiyay wariyaha ceegaag.com.

Waxaa kale oo uu garaadku ku daray in garaadada deegaanka ay hadda ka maqan yihiin, intooda badnaydna ay ku maqan yihiin mashaqada xagga hawdka.

Waxaana uu garaadku ku booriyay bulsho weynta  nabad.

Si kastaba ha ahaatee,wuxuu  garaadku muujiyay geesinimo iyo xikmad mar haddii uu ka shaqeeyay nabad,umaddiina ugu baaqay.

Halkan Ka Dhagayso Waraysiga ay ceegaag.com la yeelatay-

G Abshir Shirka Widhwidh

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com