Home > ALL DARWIISH NEWS, Somaliland, WARARKA > Somaliland President Mr Ahmed Mohamed Siilaanyo oo booqday Jabouti

Somaliland President Mr Ahmed Mohamed Siilaanyo oo booqday Jabouti

Thursday, November 4, 2010

Hargeysa (Laaska News).

Madaxweynaha Somaliland Mr.Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa booqasho ku tagay Wadanka Djabouti oo ay weheliyaan raxan Wasiiro iyo madax kale ah ayaa galabta ka dagay garoonka dayaaradaha ee caasimadda Jabuuti,waxaana halkaa ku soo dhaweeyay oo ku qaabilay Madaxweynaha DJabouti Mudane Ismail Omer Gele,waxaana lagu qaabilay soo dhawayntii ugu saraysay,ee aanay la kulmin madaxdii soo martay Somaliland.

Mr.Siilaanyo booqashadani waxay noqonaysaa tii ugu horaysay ee uu wadanka dibadiisa ugu baxo tan iyo waqtigii uu xilka madaxweynaha Somalilnd la wareegay oo hadda laga joogo boqol cisho iyo maalmo,Jabuutina waxay noqonaysaa wadankii ugu horeeyay.

Haddaba ragga siyaasadda indha indheeya waxay sheegayaan in inkastoo Somaliland aysan haysan aqoonsi caalami ah,haddana markaad eegto habka qaabilaadda ee Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa loo qaabilay inay tahay arrintani aqoonsi.

Ragga arrinaa qaba ayaa waxay ku xoojinayaan in maalintii la doortay Madaxweynaha Somalia oo haysata aqoonsi caalami ah uu san helin qaabilaad heerkaas ah.

Wafdigan Siilaanyo ayaa sida la sheegay waxaa la socda Wasiiro ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda,Dhalinyarada,Ganacsiga,Gudoomiyaha Bankiga Dhaxe,Afhayeenka Madaxtooyada iyo first Lady.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa arrimaha laga wadahadlayo inay ubadnaato Ganacsiga iyo dhaqaalaha,Amniga,xiriirka labada wadan,iyo waxyaale kale oo u dan  ah labada wadan.

Laaska News.