Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, SOMALI NEWS, Somaliland, WARARKA > Widhwidh:Garaad Abshir iyio heshiiska Somaliland

Widhwidh:Garaad Abshir iyio heshiiska Somaliland

Thursday, November 4, 2010

Lasanod(Laaska News).

Garaad Abshir Saalax Maxamed oo Ka mid ah garaadada Beesha Sool,gaar ahaan Beesha Widhwidh,ayaa waraysi BBC la yeelatay ay wax ka waydiisay heshiis ay wada galeen odayaasha iyo waxgaradka Degmada Widhwidh iyo Somaliland,waraysigaas oo uuqaaday(wariye Xagar ee uga soo warama BBC-da Burco) ,Wariye Xagar ayaa Waraysi ka qaaday Garaad Abshir  iyo Gudoomiyaha labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland ahna ninka Gudida Somaliland Madaxda u ahaa Mr Baashe.

Dhinaca Wafdiga Somaliland ee wadahadalada waxaa ka socday,Wasiiro iyo Masuuliyiin aad ugu dhaw Siilaanyo,waana Guddi uu xilsaaray wadahadalo  gogol nabadeed oo uu Siilaanyo ku baaqay oo uu u fidiyay Gobolada Bariga.

Waxaana Guddiga xagga Somaliland heshiiska u saxiixay Gudoomiye kuxigeenka Labaa ee Golaha Wakiilada Somaliland Mr.Baashe Maxamed Faarax(Maxamed Cadde).

Waxaa heshiiska dhinaca Widhwidh u saxiixay Garaad Abshir Saalax oo deegaankaa kuleh qadarin iyo Ixtiraam weyn,si weyna looga yaqaan Somalia guud ahaan,waxaana halkan ku cad in arrimaha uu kalahadlay ama uu kula heshiiyayna ay yihiin mid guud dan u ah umadda oo dhan iyo Nabadgalyo lagu wada noolaado,iskaashi dhex mara dadka deegaanka iyo xidhiidh fiican.

Waxaase aan la yaabay Wariyaha waraysiga qaadayay inuu san wali fahmin in hadda wada hadalo iyo heshiis la wado oo aan Su’aalaha qaar aanay munaasib ahyn, ayna ku xidhan tahay sida shuruudaha heshiiska loo fuliyo,Somaliland ay fahanto waxyaalaha shacabka ama Guud ahaan diidan yahay ama ogol yahay,amaba tabanayaan Beesha Sool.

Arrinta Kale ma kala soocin Su’aasha la waydiiyo Garaad ama isim iyo Su’aalaha la waydiiyo Siyaasiga.

Waxaan haddaba lee yahay ; oo aan cid balwa xusuusinayaa ama baraya cidda aan aqoon,in Garaad ama Isim uu isagu u yahay Garaad qof kasta oo Beesha ka tirsan Maamulkuu doono ha ku jiree,kooxduu doono ha raacee,ciddaan ama Maamulkaan ixtiraamin Garaadka ama Isim Beeleed,Waxaa Maamulkaas ama qofkaas lakulmaa inuusan Beeshaa oo dhan ixtiraam ka helin,waxaana lagu qaada xeerka ah Garaadkuu la col yahay!!!!.Waana arrin loo baahan yahay in cid walba ay fahmaan gaar ahaan wariyayaasha,Maamulada,Dawladaha, iyo Siyaasiinta culayska saara Garaadada,dhaqan ahaanna ninka Garaadka ah ama isim ah Xuduud maleh.

 

Waraysiga BBC du ka qaaday Garaad Abshir.

S.Waxaa Garaadka wax laga weydiiyay Shirkii iyo Wadahadalkii ka dhacay Widhwidh ee Dhexmaray iyaga iyo Somalilad?:-

Jin shirkii ku dhamaaday guul runtii,aad iyo aad wixii laysugu yimidna waa laysku af gartay,gudigana galabta ayay naga caraabayaan maasha allah guul ayuu ku dhamaaday.

S.Waa gartay Garaad haddaynu kaw iyo laba niraahno maxaa go’aano ah oo la taaban karo oo aad soo saarteen?

J.Go’aanadaa waxyaalaha qaar halkan lagama sheegi karo sida waxyaalaha ciidamada ku saabsan sir weeye,waxyaalaha kale ee lagu heshiiyay waxaa kamid ah:

Guud ahaan beesha dhulbahante dadka ka xidhxidhan in  cafis uu cafiyo madaxweynuhu oo cafis loo waydiiyo ,oo la siidaayo,wixii aan loo haysan Dil,Budhcad badeedka,Arrimaha …,guud ahaan dadka noocaas ah ee  Beesha Dhulbahante ka xidhxidhan in la cafiyo ,iyaguna way aqbaleen inay madaxweynaha arrintaa ula tagi doonaan

In la xoojiyo oo laga wada shaqeeyo beelaha nabadgalyadooda,oo meeshii dhibaato ka jirto laysugu yimaado gogosha la dhigo oo laga wada hadlo,nabadgalyadana xoogga la saaro ayaa kamid ah waxyaalihii lagu heshiiyay.

Waxaa kaloo jira dadkii ku dhintay dagaaladii ka dhacay Widhwidh ama dadkii lagu xidhxidhay markay ciidamadu meesha soo galeen,raggii la xidhxidhay in la cafiyo oo madaxweynaha cafis loo weydiiyo.

Wixii ku dhintayna xuquuqdoodii iyagana la bixiyo oo layskula noqdo,oo madaxwynaha ula noqdaan guddigu,waxyaalahaas ayaa kamid ahaa,waxyaalaha lagu heshiiyay.

S. Beeshaadu iyo adiga Garaadkoodii Ma waxaad aqbasheen inaad Maamulka Somaliland wax la qabsataan oo aad ayidaan iyadoo deegaankiinu  uu ahaa deegaanada aanu horayahaa deegaan uusan ka hirgalin maamulka Somaliland iydoo deegaankiinu uu ka mid yahay meelaha uusan ka higalin 20 kii sano uu jiray?

J.Maamulka Somaliland marleyba waa dad aannu daris nahay oo wax walba laysku yahay wax wadaqabsigooda iyo heshiiskoodu waa waajib weeye,markaa in wixii yimaadaba saas looga wada hadlo,oo lagu dhamaysto oo nabad wixii lagu dhamaysto ayaa lagu heshiiyay.

S.Maamulka iyo horumarinta Degmada iyo Deegaanka maxaad Katiraahdeen?

J.Waxaa layska yidhi:

Runtii In laga wada shaqeeyo wixii xagga nabadgalyada ku saabsan laga wada shaqeeyo ,layska kaashado ayaa lagu heshiiyay,waxyaalo badan oo aan halkan laga sheegi karinna waa jiraan,laakiinwaxyaalaha aan sheeg sheegi karo waxaas ayaa kamid ah.

S.Ma intan bay ku egtahay gogosaha nabadeed mise waxaad ubalanteen in meelo kalana lasii gaarsiiyo gogoshaa iyo nabadayntaa?

J.In lagaarsiiyo meelo kale ayaa laga ballan qaaday meeshii maaragtay meeshii labada dhinac ay ka jirto oo wadahadal ubaahan meel kastaba ha ahaatee dhulka carro dhulbahanta ah in laga fidiyo gogoshaas oo kale oo laga wada hadlo ayaa lagu heshiiyay.

S.Idinku Deegaan ahaan hadda Puntland baad ka tirsanaan jirteen,imminka  ma Puntland Baad ka tirsan tahiin mise Somaliland?

J. Puntland baan ka tirsan nahay,dee Somaliland na xidhiidh fiican baan la leenahay.

 

Waraysiga Garaad Abshir iyo Ka Baashe kadhagayso Xagga hoose.

Waraysi Garaad Abshi iyo Gud.Kuxig Wakiilada Somaliland

 Laaska News