Home > SOMALI NEWS, WARARKA > Fadeexada ka ganacsiga gabdhaha yar yar oo Somali lagu soo eedeeyay Maraykanka

Fadeexada ka ganacsiga gabdhaha yar yar oo Somali lagu soo eedeeyay Maraykanka

Wednesday, November 10, 2010

Laaska News.

Wararka laga helaya waddanka maraykanka,ayaa dhalinyaro Soomaaliyeed la gu soo eedeeyey ilaa 28 dhalinyaro ah oo Soomaali ah,hal qof mooyaane  inay  yihiin shabakad xidhan oo ka ganacsada gabdhaha yaryar kuna khasba inay jidhkooda gadaan,gabdhahaas oo da’doodu yar tahay.

Waxaa kaloo lagu soo eedeeyay danbiyo kala duwan oo ay ku jirto xatooyo kala duwan,waxayba saamaysay kiiskaa dhawr gobol,oo ay ugu horeyso magaalooyinka ay Soomaalidu ugu badan tahay sida Minisooto.

Waxaana falkan lagu soo aadiyay iyadoo dhawaan nin Soomaaliyeed loo doortay Gobolka Minisooto Masuul sare oo xagga waxbarshada.

Arrintani waxay Soomaalida ku samaysay la yaab,waalid banna hadday baraarugeen oo caruurahoodii hadda ku bilaabeen inay hadda dabagalaan.Waase Goorma?

Laaska News