Home > PUNTLAND, UN & ORG (Somalia), WARARKA > Mr.Augustine Mahiga iyo Booqashada Puntland

Mr.Augustine Mahiga iyo Booqashada Puntland

Wednesday, November 10, 2010
English: Presidential residence in Garoowe, Pu...

English: Presidential residence in Garoowe, Puntland, Somalia. (Photo credit: Wikipedia)

Garowe(Laaska News) November 10,2010.

Maanta waxaa booqasho ku yimid Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland wafdi UN ah oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya Mr.Augustine P.Mahiga,Waxaana halkaa kulamo kula yeeshay Madaxweynaha Puntlan Dr.Cabdulraxmaan Sh.Maxamed Faroole,Wasiiro iyo masuuliyeen kale.

Kulanka dhexmaray Mr.Mahiga iyoMr. Faroole kulanka dhexmaray wax badan lagama ogo.

Waxaase jira mar ay warbaahinta la hadleen labadoodu,waxa uu Mr.Mahiga sheegay inuu Puntland kala kulmay suurad ka duwan tii uu ka haystay.

MR.Mahiga wuxuu sheegay in uu ujeedada socdaalkoodu ahaa u kuur galidda  qaabka nabadda Soomaaliyeed mustaqbalka noqon karto iyo wadada loo mari doono .

 Inaan markhaati kanoqdo xaaladda ay ku sugan tahay Puntland iyo qaybaha kale ee horumarka dhaqaalaha,horumarka  nabadgalyada.Waxaan kaloo u imid inaan ku dhiiri galiyo hogaaminta,Puntland na waaba muujisay awood  kaga qayb qaadato,taasina waa midaan filayaa in aan u baahan nahay inaan qaato door kayga ku aadan  in fiiro la siiyo,  si bulshada Caalamku dareen xoog leh u siiso puntland  ,waana meel ay suura gal tahay in guul la ga dhalin karo,guushaasina waa mid ay kaga dayan karaan Soomaalida inteeda kale.

Waxaana Mr.Faroole sheegay in ay kawada hadleen arrimo Puntland ah iyo xiriirka Puntland iyo Dawladda Somalia.

Aad iyo aad baanu raali uga nahay imaatinkiisa.

wuxuu qiray inay meel amaana tahay,kuna amaanay ladagaalanka argagixisada,Budhcad badeedka.

Waxaa kaloo la sheegay in xafiisyo UN ka qaarkood laga furi doono halkaa.

Si kastaba ha ahaatee waxaan meesha ka madhnayn oo suura gal ah,wadahadal ku saabsan taageeridda iyo la shaqaynata  golaha Wasiirada ee ilaa Jimcaha la filayo in uu Raysal Wasaare Farmaajo uu ku dhawaaqo. iyo isku soo dhawaynta Shariif iyo Faroole.

Laaska News