Home > Somaliland, UN & ORG (Somalia), WARARKA > Somaliland & UN:Wafdi UN ah oo uu hogaaminayo Mr. Mahiga wakiilka Xog.Guud ee QM.ee Som & Booqosho qaadanaysa……

Somaliland & UN:Wafdi UN ah oo uu hogaaminayo Mr. Mahiga wakiilka Xog.Guud ee QM.ee Som & Booqosho qaadanaysa……

Thursday, November 11, 2010

HARGEYSA(LAASKA NEWS).NOVEMBER 11,2010.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Mr Augustine  P. Mahiga ayaa shalay galab booqosho ku yimid Somaliland,isagoo ka soo duulay garoowe,oo uu ku tagay booqasho qaadatay dhawr saacadood oo uu kulamo laqaatay Madaxweynaha Puntland iyo Madax kale oo Puntland ah.

Mr.Mahiga booqashada uu ku tagay Somaliland ayaa lagu wadaa inay qaadato laba maalmood,waxaana madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Mr Maxamed Cadilaahi iyo Madax kale oo Somaliland h.

Madaxweynaha Somaliland Mr.Axmed Siilaanyo ayaa qaabilay Mr.Mahiga iyo wafdigii uu hogaaminayay.

Mr. Mahiga ayaa kulamo kala duwan la leh madaxda Sare ee Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalilad oo warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay kulankaa  iyo Waxyaa lihii ay kawada hadleen Mahigaiyo Madaxweyne Siilaanyo wuxuuna sheegay :

In Mr. Mahiga u sheegay Mr Siilaanyo——–

“Inay UN ka iyo Maraykanka iyo dalal kale ay si toos ula xiriirayaan Somaliland”.

“Xafiis Balaaran in laga furayo Hargeysa ,Xafiiskii horana la sii balaarinayo.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay:

Inay soo dhaweynayaan arrintaa ah in UN ka ,Maraykanka iyo Dalal kale ay somaliland toos ula soo xiriiraan.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa Faahfaahin dheeraad ah, Inshallah.

Laaska News