Home > Hambalyo, TFG Somalia, WARARKA > R/wasare Farmaajo oo munaasabadda Ciidda ugu hambalyeeyay Umadda Soomaaliyeed

R/wasare Farmaajo oo munaasabadda Ciidda ugu hambalyeeyay Umadda Soomaaliyeed

Monday, November 15, 2010

Fg:Waxay idiin tahay Fadeexad haddaad Suuraddii PM ka ku badasheen cinwaanka Raadiyaha!!

Warsaxaafadeed

 

Isniin, 15.11.2010——–Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cadullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa munaasabadda Ciidul – Adxaa owgeed wuxuu hambalyo u dirayaa shacabiga Soomaaliyeed ee walaalaha ah iyo guud ahaan ummaddaha Islaamka oo dhan.

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu munaasabadaasi darteed shacabka Soomaaliyeed ALLE uga baryay Nabad, Horumar iyo Barwaaqo wuxuuna u rajeyeeyay in Ciidaan ciideeda Alle dhibaatada dadka iyo dalka heysata naga saaro intii jirana caafimaad Alle siiyo.

 

Sidoo kale, wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu si gaar ah uga codsaday shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan Nabadda, xoogoodana isugu geeyaan in wixii khilaafaad ah lagu xaliyo wadahadal iyo gogol Nabadeed.

 

Ugu dambeyntii Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu hambalyo taas la mid ah u jeediyay ummaddaha Islaamka Ciidul Adxaa owgeed, wuxuuna u rajeeyey Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.

 

 

Xafiiska Warfaafinta.

 

Source:Radio Muqdisho