Home > ALL DARWIISH NEWS, TFG Somalia > Wafdi ka socda SSC Oo Maanta La Kulmay R/wasaaraha Soomaaliya

Wafdi ka socda SSC Oo Maanta La Kulmay R/wasaaraha Soomaaliya

Monday, November 15, 2010

Laaska News Nov. 15,  2011

Saddex xubnood oo ka socda maamulka Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC )oo uu horkacayo  Gudoomiyaha maamulkaasi Suleymaan Ciise Axmed Kaar  oo maalmahaan booqasho ku joogay  magaalada Muqdisho ayaa  kulamo la qaatay masuuliyin ka tirsan dowladda Somaliya oo uu ka mid yahay R/wasaare Farmaajo.

Gudoomiyaha mamaulka SSC Suleymaan Ciise Axmed oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in madaxda sare ay  kala hadlayeen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin uu tilmaamay inay ka jiraan deegaanada ay ka yimaadeen waxa uuna intaa ku daray in wadahadallaasi ay guul ku dhamaadeen.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in uu kalan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh Shariif Sh Axmed oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan deegaanka ay ka yimaadeen.

Suleymaan Ciise Axmed ayaa beeniyay in maamulkoodu  dowlada weydiistay hub iyo saanad ay kula dagaalamaan maamulada Puntland iyo Somaliland,  isagoo tilmaamay in aysan diyaar u aheyn daadinta dhiigga  Soomaliyed balse ujeedkoodu uu yahay in deegaankooda ay maamushaan.

Xubnaha wafdigan ka socda maamulka SSC   waxaa  ka mid ah Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo kamid ah madaxda dhaqanka deeganka oo baaq u jeediyay hay’adaha samafalka inay wax u qabtaan dadka deegaanka oo uu sheegay in dhibaatooyin fara badan oo dhanka caafimaadka iyo gargaarka ah ay heystaan.

Source:Radio Muqdisho

Related Articles:

Jawaabta Labada EX.Wasiiro Federaalka Somalia ee ka soo jeeda Somaliland ee Aflagaadada u gaystay Garaad Jaamac Garaad Cali & Wafdigiisa(SSC) Booqashdii Xamar.

SSC-Wafdi uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali oo La kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh.Shariif