Home > ALL DARWIISH NEWS, Somaliland, WARARKA > Baaq:Isimada Gobolka Cayn(Buuhoodle) oo xalay Fiidkii Baaq ka soo saaray Dagaalkii Baliga Kalshaale,Baaqna udiray Beelaha Walaalaha ah.

Baaq:Isimada Gobolka Cayn(Buuhoodle) oo xalay Fiidkii Baaq ka soo saaray Dagaalkii Baliga Kalshaale,Baaqna udiray Beelaha Walaalaha ah.

Saturday, November 20, 2010

Buuhoodle (Laaska News). November 20,2010.

ceegaag.com ayaa  ka waraysatay Xafiduhulaah Garaad Cabdilaahi Garaad soofe. Dhagayso. Baaqa isimada     

Magaalada Buuhoodle Waxa  xalay fiidkii markii ugu horaysay Baaq Nabadeed ka soo saaray Isimada Gobolka Cayn, baaqaasi oo Loo diray Beelaha Walaalaha ee Dhawaan Dagaalku ku Dhexmaray Deegaanka Kalshaale oo Dhinaca Waqooyiga kaga Beegan Magaalada Buuhoodle.

Baaqaasi ayaa xalay fiidkii Waxa Gobolka Cayn ka soo saaray Isimada Gobolka Cayn oo ugu baaqay dhinacyada Beelaha Walaalaha ah inay Joojiyaan Dagaalka Isla Markaan Isugu yimaadaan Miiska Wadahadalka lana Shaqeeyo sidii Nabad Lagu gaadhi lahaa iyo Daris Wanaag.

.

Baaqani ayaa xalay Waxa soo saaray Isimada Kala ah:

1. Garaad Abdilaahi Garaad Soofe.
2. Suldaan Siciid Cismaan Cali.
3 .Garaad Saleebaan Buraale Adan.

.
Waxaana Shabakada Wararka Ceegaag.com Baaqani uga Waramay xalay fiidkii Garaad C/laahi Garaad soofe oo Waraysi Khaas ah Siiyey Shabakada Wararka Ceegaag.com.

.

Garaadka ayaana ugu baaqay Dhamaan Dhinacyada Xiisadani Dhextaalo inay Isugu yimaadaan Miiska Wadahadalka, laga shaqeeyo Guud ahaan Sidii Nabad lagu Gaadhi lahaa( Dhagayso Baaqa Isimada Deegaanka).

.

Source:ceegaag.com