Home > WARARKA > Dagaalo Kadhacay Deegaanka Guraceel.

Dagaalo Kadhacay Deegaanka Guraceel.

Saturday, November 20, 2010

Guraceel (Laaska News).Nov.20,2010.

Waxaa lagu soo waramayaa in dagaal culus ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Guraceel oo ay ku dagaalameen xoogaga kala ah Ehlu sunna iyo Ashabaab.
Dagaalkan oo la sheegay waqtiyo kala duwan inuu dhacay aroortii,Qorax dhicii ,haddana warar is khilaafsan iyo guulo kala duwana ayaa ka soo baxaya.
.
waxaana la sheegay dhimasho 10 qof ah iyo 30 dhaawac ah.
Warbaahinta ayaa siidaysay in dhakhtarka Guraceel la soo gaarsiiyay ilaa 14 dhaawac ah.
.
Af hayeen Islaamiyiinta Ashabaab ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Goobihii Dagaalku ka dhacay sida bbc du sheegtay.
.
Maamulka Guraceel ayaa warkaa war ku lid ah sheeganaya iyo ina y iyagu guusha raacday.
.
Labada dhinac ayaa kala sheeganaya in qolo walbaa ay iyadu guushu raacday,iyo in koox walbaa ay Gaadiid dagaal ka gubtay kooxda kale.
.
Meelaha la magacaabay oo isku hor imaadkaasi ka dhacay ayaa lasheergayaa in la gu magacaabo Waro dhuumale iyo Ceel God oo ka tirsan Deegaanka Guraceel,ee Gobolka Galgaduud.
.
Waxaan ilaahay uga baryaynaa in Ilaahay kala qaboojiyo.

.

Laaska News