Home > Baarlamaanka Soomaaliya, WARARKA > Kulankii Barlamaanka oo buuq iyo Gacan kahadal kadib lagu kala dareeray

Kulankii Barlamaanka oo buuq iyo Gacan kahadal kadib lagu kala dareeray

Monday, November 22, 2010

Laaska News (Muqdisho).November 22,2010.

Wararka kasoo baxaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kulankii Baarlamaanka oo la doonayay in kalsooni loogu qaado  xukuumadda  iyo qorshaheeda lagu kala dareeray maanta ka dib markii uu buuq ka dhashay.

Kulankii maanta ayaa Baarlamaanka la horkeenay laba mooshin oo kala ah in cod uqaadista xukuumadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay noqoto Qarsoodi iyo inay noqoto Gacantaaag,waxaana xubnaha Baarlamaanka saaka ku sugnaa kulanka wacxay ahaayeen 348 xildhibaan.

Waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanku Mr. Shariif Xasan go’aamiyay inay noqoto Qarsoodi, iyadoo la raacayo xeerka Baarlamaanka codku noqdo Qarsoodi.
waxaana la soo diyaariyay Sanaadiiqdii.

Waxaa wariyeyaal halkaa ku sugnaa oo wariyaha BBC da kamid yahay u sheegeen warbaahinta in

Xildhibaanadii Qarsoodiga diidanaa ayaa kasoo horjeesteen in cod qarsoodi ah la qaado.
Arrintaas ayaa waxay dhalisay buuq iyo gacan kahadal xubnaha Baarlamaanka dhexdiisa ah oo kala taageersanaa labadaa mooshin.
Gudoomiyaha ayaa markaa ku dhawaaqay mar haddii aad buuqa joojin waydeen shirku uu xidhan yahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka kacay Meeshi oo galay qol kale iyadoo Qaar xildhibaanada kamid ah oo diidan in laxidho shirka
ay kadaba qaylinayaan oo xitaa qaarkood isku dayeen inay galaan qolka ,waxaase hor istaagay Ciidanka UNISOM.

Gudoomiyaha ayaa mar labaad ka soobaxay Qolkii oo xildhibaanada u sheegay in aan buuq wax lagu keeni Karin,loona baahan yahay in xukuumadda cod loo qaado,lana keeno sanaadiiqda,codkuna noqdo qarsoodi.

Buuqii ayaa si kordhy iyo farataagii lala beegsanayay Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa ku dhawaaqay haddii aydan rabin in cod la qaado uu shirku xidhan yahay.

Waxa uu Gudoomiyuhu ka baxay Golihii iyadoo aan la sheegin waqtiga kulan kale la isugu soo noqonayo.

Laaska News