Home > PUNTLAND > Kulan looga hadlayay dhaqan gelinta Dastuurka cusub ee Puntland oo maanta ka dhacay Garowe

Kulan looga hadlayay dhaqan gelinta Dastuurka cusub ee Puntland oo maanta ka dhacay Garowe

Sunday, November 28, 2010

Laaska News.Mqdisho.

 

Kulan looga hadlayay sidii shacabka loogu bandhigi lahaa aragtidoodana ay uga dhiiban lahaayeen Dastuurka cusub ee uu dhawaan ansixiyay Barlamanka maamul goboleedka Puntlanad ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntland.

Kulankaasi oo ka dhacay xarunta Jaamacada Garowe ayaa waxaa ka qeybgalay Hey’adaha Caalamiga ah, Ururada Bulshada rayidka ah iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland. Iyadoo kulankaasi ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka iyo arimaha federalka ee maamul goboleedkaasi.

Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federalka ee maamulkaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay malxaladihii uu soo maray Dastuurkani ka hor inta aanuu Barlamanku ansixin iyo rajada uu ka qabo in Dastuurkaasi ay u codeeyaan dhamaan shacabka reer Puntland, sidaana uu ku noqdo Dastuurka rasmiga ah ee maamulkaasi.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee ku qornaa Dastuurkaasi ee laga dooday ayaa waxaa ka mid ah in maamulka Puntland uu u madaxbanaanyahay heshiisyada caalamiga ah iyo in Burcad badeeda marka la maxkamdeeyo aaneey racfaan qaadan Karin.

 

 

RM