Home > TFG Somalia, WARARKA > Madaxweynaha Uganda oo Booqday Mogadisho

Madaxweynaha Uganda oo Booqday Mogadisho

Sunday, November 28, 2010

Laaska News-Muqdisho.

Wararka laga helayo Magaalda Muqdisho ayaa waxay sheegayaa in maanta uu Booqasho kuyimid Muqdisho,Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayna soo dhaweeyeen Madaxda Dawladda Somalia iyo Ciidanka AMISOM,wuxuuna kulamo la yeeshay Madaxda sare ee Dawladda Somalia iyo Madaxda Ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha Uganda ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif,Raysal wasaare Farmaajo,Gud.Baarlamaanka,iyo Madax kale oo Dawladda ah.

Kulamadaas oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde iyo Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane,Waxaana aad loo adkeeyay Nabadgalyada Deegaankaa iyo agagaarkeeda.

Inkastoo aan warbaahinta loo ogolaan ayaa wararka laga helayo halkaa iyo warbaahinta dunida iyo Afhayeenka Ciidanka AMISOM Major Ba-Hoku Barigye ayaa sheegaya,Ujeedada socdaalkiisa ay ahayd:

Inuu niyadda udhiso Ciidamada Dalkiisa ah ee Muqdishaa ujooga inay dawladda kumeel gaarka ah ee Soomaaliya taageera,wuxuuna booqday Isbitaalka AMISOM oo isna Xaruuntooda ku yaal.

Inuu u Hambalyeeyo Dawladda Cusub.

Inuu Muujiyo Taageerada uu uhayo Dawladda Cusub.

Inuu la tashi lasameeyo Madaxda Soomaaliaya.

Waxaa kale oo uu Caalamka ka codsaday in la taageero Dawladda Cusub ee Somalia.

Mr.Museveni ayaa socdaalkan uu ku yimid Somalia ay  noqonaysa tii ugu horaysay Madaxweyne Uganda ee Yimaada tan 1991 ee ay dhacday Dawladdii Soomaaliya,waana Madaxweynihii labaad oo African ah oo yimaada tan iyo xiligaa,iyadoo oo horay uyimid Raysal Wasaaraha Ethiopia 2007 oo ay waqtigaa joogeen Ciidamo Dalkiisa ah.

Madaxweynaha Uganda ayaa Galabnimadii ka dhoofay Magaalada Muqdisho.

Laaska News