Home > ALL DARWIISH NEWS > Waraysi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil : Ergooyinka iyo Nabadaynta-Dhagayso

Waraysi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil : Ergooyinka iyo Nabadaynta-Dhagayso

Sunday, November 28, 2010

Laaska News

Shabakadda wararka Lasanod Online ayaa waraysi la yeelatay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Waraysigaas oo uu qaaday Adan A.Shuuriye ayaa Garaadku kaga warbixiyay Xaaladda iyo Deegaanka SSC ,nabadaynta iyo kaalinta  Garaadka iyo Xiriirka Isimada uu la sameeyay,Ergooyin uu meelo badan u diray iyo Baaqyo uu ukala diray.

Waxaa Kale oo Muhiim ah oo uu Garaadku halkaa Ku cadeeyay in Wakiilka Saldanada uu yahay Caaqil Axmed Cabdi Gaas.

Garaadku Wuxuu sheegay in uu Ergooyin u kala diray Deegaanka Maygaagle ee Dhinaca Buuhoodle,iyo Dhanka Qoriley ee Beelaha Kalabaydh ee Sool iyo Burtinle.

Waxaa kale oo uu Garaadku Baaq u diray Xiisadda Xagga Soolka Taleex.

Garaadka ayaa ku gabagabeeyay Duco iyo Dardaaran uu usoo jeediyay Shacabka SSC——‘Ilaahay Quluubtiina ha isku soo jeediyo’

Aamiin.

Halkan ka Dhagayso Waraysiga oodhan:

 Waraysi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Source:Lasanod Online.

Laaska News.