Home > PUNTLAND > Taliyihii hore ee Booliska G.Nugaal oo maanta lagu dilay Burtinle

Taliyihii hore ee Booliska G.Nugaal oo maanta lagu dilay Burtinle

Thursday, December 2, 2010

Laaska News Dec,2,2010.

Burtinle(AB):Sarkaal hore u soo noqday Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Nugaal laguna magacaabo Axmed Jaamac Saalax (Ratey) or (Axmed Rati)ayaa duhurnimadii Maanta lagu dilay Bartamaha Degmada Burtinle ee Goboka Nugaal.

Dabley hubeysan ayaa sida wariyaheena Burtinle uu sheegay inuu sarkaal kaasi aano qabiil u toogtay kana baxsaday halkii uu dilka ka gaystay iyadoo aaney qaban ciidamada Puntland ee degmada Burtinle.

Sidoo kale Marxuumka waxaa uu mar soo noqday Taliyaha Ciidamada Boliiska Dekada Boosaaso ee Gobolka Bari .

Galabta ayaa lagu wadaa in marxuumka lagu aaso isla magaalada Burtinle ee duhurnimadii lagu dhex dilay xili uu maqaayad hor fadhiyay.

Dilalka aanada qabiil salka ku haya oo aan looga baran meelaha Dowlada Puntland hoos yimaada ayaa hada waxaa laga dareemayaa in dilal hab qabiil ku saleysan ay taagan yihiin xili Odayaal beeleedyadu wadaan dadaalo looga hortagayo falalka ceynkaasi oo kale ah.

Xigasho:AB

Laaska News