Home > UN & ORG (Somalia), WARARKA > Madaxa usareeyaHaya’da Qaxootiga (UNHCR) oo Booqday Magaalooyinka Gaalkacayo,Bosaso,iyo Hargeysa.

Madaxa usareeyaHaya’da Qaxootiga (UNHCR) oo Booqday Magaalooyinka Gaalkacayo,Bosaso,iyo Hargeysa.

Saturday, December 4, 2010

Laaska News www.laaska.wordpress.com Saturday December 04,2010.

Madaxa Hayada Qaxootiga (UNHCR) Mr. Antonio  oo hogaaminayay wafdi haya’diisa  iyo raxan warfidiyayaal caalami ah ayaa shalay iyo maanta booqasho ku kala baxiyay Magaalooyin Puntland iyo Somaliland ah.
Mr. Antonio ayaa shalay Booqday Gaalkacayo iyo Boosaaso,waxayna Booqdeen goobaha ay dagan yihiin Barakacayaasha,Wuxuuna la kulmay Madaxda Gobolka Mudug.

.
Wafdigaas ayaa sidoo kale Booqday Boosaaso  meelaha ay dagan yihiin dadka barakacayaasha.

.
Mr. Antonio ayaa waxa uula kulmay Madaxweyne kuxigeenka Pl. Mr.Cabdisamad iyo Qaar kamid ah Wasiirada iyo masuuliyiin kale.

Mr.Antonio iyo Wafdigiisa ayaa u gudbay Hargeysa, Somaliland,wafdigaas ayaa la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland,Mr.Seylici iyo Masuuliyiin kale .Wafdigan ayaa waxa ay booqdeen meelaha ay dadka soo qaxay ay dagan yihiin,Suuqa iyo meelo kale oo magaalada Hargeysa..

Waxay Booqashadan uu ku yimid Madaxa UNHCR iyo wariyayaasha caalamiga ah ee la socda ku soo aadeen iyadoo dhawaan ay UNHCR ay sheegtay in la caawinayo Soomaalida.

.
Waana arrin caadiyan dhacda in baahida la ogaada iyo haddiiba lacagta ay hayaadu ubaahan tahay ay hesho sidii ay nabadgalyo ahaan ugaarsiin lahaayeen,waxaa kaloo cad in Hayadaha Caalamku hadda usoo jeesteen inay toos ula xiriiraan Madaxda maamulda jira  waana arrinta baryahan aad u arkaysid Wafuudda Caalamiga ah ee ku soo qulqulaysa Soomaaliya Guud ahaan,gaar ahaana Puntland iyo Somaliland.

Waxaa kaloo jira in Haya’daha ruuxoodu ay baahida  ururiyaan,iyagoo kal siiya mudnaanta dabadeedna adduunyada tusa oo u sheega inay baahidaasi ka jirto meelaha ay dhibaatooyinka ku arkaan,Waana sida kaliya ee dawladaha deeqda bixiyaa iyo hayadaha kale ay wax ku bixiyaan,mana jirto wax meel laga soo qaadayo,waa in loo baryo tagaa.

Si kastaba ha ahaatee waxaa looga bixi kara dhibta umadda haysata waa in nabad galyo la helaa iyo Dawladnimo  xoogan oo daboosha waxa Soomaali haysata.

Laaska News.

www.wordpress.com