Home > HEALTH, WARARKA > Xanuun La Magac Baxay “Caadaysiga Internetka”

Xanuun La Magac Baxay “Caadaysiga Internetka”

Saturday, December 4, 2010

Laaska News (Harowo)

Dhakafaarka Internetka Ama Caadaysigiisu: Waa Aragti ama Xaalad loo isticmaalo Xanuunka ama Dadka Buka Ee Isticmaala Internetka (WWW) World wide web. Isticmaalkiisaa oo Keena Dhibaato Dhaqanka Iyo Suluuka Qofka iyo bulshadaba Badila, Waana Arin Cusub oo dhamaan Bulshada Dunida Ku Nool Haysata Sababta Keentayna Ay Tahay,Computerska Oo Yaal Guri Kasta,Hadii Aanu Qoyskiiba Qof kastiba Mid iska lahaynba,Hadii kale Qofku rugaha Internetka Uu Si Fudud u heli karo.

Hadaba. Gabadh maraykan ah oo Cilmi Nafsi Yahanad ah (kemberly young), ayay ahayd Qofkii Ugu horeeyay ee isticmaalay kalmadan (Caadaysiga Internetka) iyada oo lagu tiriyo Dhakhtarada Fara Ku tirsiga ah ee Mudo badan baadhayay Laga  soo bilaabo 1994kii Ilaa hada.Waxay Cadaysay Isticmaalka Internetka Iyo caadaysigiisu(addictive)  38 saacadood Todabaad Waliba.

Darasadeedani Waxay Iftiimisay In Dadka wakhti badan ku qaata hor fadhiga Internetku Ka cowdaan Dhakafaar ama Wareer kabadan Kani Dadka Kale,Daraasad kale oo jamacada leads United Ayaa Cadaysay in Dadka Wakhtiga Ku Qaata Wada Sheekaysiga iyo Hadal-iswaydaariga(Chating) Noloshooda Ijtimaaciga Raad Uu Ku Yeeshay Waliba Fog.

Waxaanay Cadeeyeen Caadaysiga Internetku Dhib Bulsho Iyo Caqliba U Keeni Karo Mudanihiisa Sida Bilaa Naxariista U isticmaala,Caadaysiga Internetku Bilaa Faa’iido Waxa Uu Kugu Abuurayaa Dhib Iyo Shiki Naftaada Aad Ka Shikido Inaadan Noolaan karayn Bilaa Internet,Noloshana Aad Ka Dhacayso Hadaad isticmaali waydo,hadaba Sideed U Garan Kartaa Inaad Tahay Caadayste Internet Iyo In Kale.

Adigoon Naftaada Sirayn  si Kalsooni Ku Jirto Uuga Jawaab Su’aalahan:

1: Wilgaa Maku Lumisay Wakhtiga Shaqadaada Ama Daraasadaada sababta Internetka?

2: Miyaad Caadaysataa isticmaalka internetka In Ka Badan Inta Wakhti Eed La Qaadatid Ehelkaaga iyo Saaxiibadaa?

3: Ma Saameeyay isticmaalka Internetku Noloshaada Ijtimaaciga ah?

4: Ma U Isticmaashay Xeelo (Been)saaxiibada ama ehelkaaga caadaysigaaga Internetka?

5: Markaad isticmaalaysid Internetka Dhib Miyaad Dareentaa Sida Daal ama Lilo?

6: Markaad Xidho Internetka ma jeclaysata in aad si dhakhsa ah uugu soo laabatid?

7: Miyaad Ka Fikirtaa Internetka isticmaalkiisa wakhtiga aad waxbaranaysid ama aad shaqaynaysid amaba aad ehelkaaga iyo qoyskaaga aad la joogtid?

8: miyaad dareenta in internetka dadka Chatinka ama aad la sheekaysatid aad ka hesho Ixtiraan Gaara kana Qadarin Mudan kani aad dadka kale ka heshid?

9: Ma Saameeyay Isticmaalka Internetku Cuntadaada iyo Hurdadaada?

10: Galitaanka internetku ma shayga ugu horeeya eed ku fikirtid qabashadiisaa markaad soo toosto amaba aad guriga ku soo laabatid?

11: Dhaqaalahaaga Miyuu Saameeyay amaba waxbarashaada internetku?

12: Murugo Miyaad dareentaa marka aad wakhti badan aad isticmaashid Internetka?

13: Khilaafka iyo mushkiladaha Ijtimaaciga ah Ee Nololayda ahi Miyay Kugu Qasabtaa Inaad Internetka Gashid Si Aad u ilowdo dhibtaasi?

14: Miyaad U Aragtaa Munaasabaadka iyo xafladuhu inay yihiin sababta Kuu Gaysa Caadaysiga Internetka?

15: Miyaad isticmaashaa been ama khiyaano adigoo Qof kale iska dhigaaya wakhtiga Aad Internetka isticmaalaysid?

16: Miyaad Ku Baraarujisaa Saxiibada amaba Dadka aad jeceshahay Ina isticmaalka Internetku Faa’iidooyin badan Uu Leeyahay?

17: Miyaad ka badsataa caadaysiga internetka intaad Qoondaysatay?

18: Wakhtiga aad ehelkaaga la Joogtid ma Sheekooyinka Internetkaad ka wada sheekaysataan Mise Ta Bulshada dhexdeeda?

19: Miyaad Ku Bixisaa amaba Ay kaa Khasaartaa lacag Ka Badan Miisaaniyadaada?

20: Miyaad Ku Fikirtay Qof Ku Dhibaatee Galitaanka ama isticmaalkaaga Internetka?

Solution:

Hadii aad Ku Jawaabtid Haa In Ka Badan 7  Waxaad Qabtaa Xanuunkan la Yidhaa (Caadaysiga Internetka) Waxaadan U baahan tahay Is Daawayn Dhakhso ah. Hadaba Daawayntu Waa Jirtaa, Sideese la isku daaweeyaa?

Eng. A-samad Jibril

Information Science

Source:harowo.com