Home > WARARKA > Qarax ka dhacay Goob Internet lagu Isticmaalo (Koonfu/Galbeed ee Shiinaha) iyo wixii sababay

Qarax ka dhacay Goob Internet lagu Isticmaalo (Koonfu/Galbeed ee Shiinaha) iyo wixii sababay

Sunday, December 5, 2010

Laaska NewsDecember 05,2010.
.
(Xinhua) GUIYANG,Qarax ka dhacay Goob Internet ka lagu Isticmaalo oo ku taal Konfurta China ,habeenkii Sabtiga , kadib markii  uu qarax ka dhacay meel ku dhegan oo waxyaalo kimiko ah ay yaaleen ( Qarax ka dhashay kiimiko ku jirtay dukaan ku dheganaa meesha Internetka,ee ku taal Magaalada Kaili ee Gobolka Guizhou oo  ku yaal Koonfur Galbeed ee Waadanka Shiinaha   Sidaana waxaa sheegay masuul dawladda ee Gobolka ah.

 

Photo: From Chinadaily.

 

Waxaana goobta u gurmaday Dab damiska oo damiyayay.
Kiimikada Dukaanka ku jirtay ayaa lagu sheegay inay ahayd sodium nitrite iyo kiimiko kale oo qarxi og.

Waxaana dhammaan Burburay Goobtii Internetka,waxaa kale oo dhibtiisu gaartay dhismayaashii u dhawaa oo Daaqaduhu daateen.

Waxaana Boolisku gacanta ku dhigeen laba nin oo ahaa ragga Dukaanka ku haystay Kiimikada,iyagoon u haysan ogolaansho kimikadaa,waxaana la sheehay in la baarayo..

.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay 7 (6qof ayaa goobta ku dhintay,hal qof oo Dumar ahna Dhaawacii ayay ku dhimatay) waxaana ku dhaawacmay 37( oo 8 kamid ah ay dhaawac halis ah yihiin) ,waxaana ka badbaaday hal qof,taas oo tirada markaas goobta Internet ka ku sugnayd ay noqonayso 45,taana waxaa sheegay masuul u hadlay Maamulka Gobolkaas.

.

Dadka Goobtaas Internetka Isticmaalayay iyo kuwa dhintay ayaa isugu jiray Rag , Dumar iyo Caruur.

,

Halkan Hoose ka akhriso sheekada oo dhan,Waxaad kaloo aad ka fahmaysaa inaad kala ogaatid in la kala sooco Meesha Deegaanka ah ama aad dagaysid,meesha Ganacsiga,in la kala sooco Goobaha dadku isticmaalayaan iyo waxyaalaha khatar u keenaya in lakala fogeeyo,iyo noocyada Kiimikada ee khatarta keenaya.

.

Source:

 

Chinadaily

.

Laaska News