Home > Somaliland, TFG Somalia, WARARKA > Wasiirka Warfaafinta Somalia oo Beeniyay in la iibsaday Adeega Furaha Internetka ee Soomaaliya Dot So (.so)

Wasiirka Warfaafinta Somalia oo Beeniyay in la iibsaday Adeega Furaha Internetka ee Soomaaliya Dot So (.so)

Sunday, December 5, 2010


Laaska News .December 05,2010
.

Muqdisho (RM) – Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta faahfaahin ka bixisay Halka uu marayo dadaal lagu howl gelinayo Furaha Internet-ka   Dalka Soomaaliya ee Dot So (.so), oo ka mid ah astaamaha Isgaarsiineed ee uu leeyahay dalka kasta.

.

Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac oo maanta aaday shir ay isugu imaanayaan dalalka caalamka ee isticmaala adeeggan oo ka dhacaya dalka Colombia ayaa sheegay in Xukuumaddii hore ay ku guuleysatay in ay gacanta Dowladda Soomaaliyeed ku soo celiso adeeggan Dot so “ .so “ ..

Mudane C/kariin wuxuu sheegay in Dowlado badan oo caalamka ah ay shaqadaan ku saabsan furaha Internet-ka ay u qabtaan shirkado gaar ah oo heli kara adeegga uu u baahan yahay sida Internet iyo koronto joogto ah, wuxuuna tilmaamay in dalka Soomaaliya aysan waqtigaan u suura gali Karin in uu qabto howshaan isagoon helin adeeggaas oo la isku haleyn karo, taasna ay sababtay in Dowladdu ay heshiis la gasho shirkad caalami ah oo qabata howsha  sida ay sameeyeen dalal badan oo caalamka ah.

.

Wasiirku wuxuu sheegay in Shirkad Japanese ah ay Dowladdu la gashay heshiis ah in ay qabato isla markaana Diiwaan geliso shirkadaha doonaya in ay isticmaalaan adeeggan inta laga gaarayo dhamaadka bishaan December, kaddibna la bilaabi doono in adeeggan uu si guud uga shaqo bilaabo caalamka isagoo maamulkiisa leedahay Dowladda Soomaaliya oo kireysaneysa shirkaddan Japanese-ka ah.

.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta oo aad ugu dheeraaday sharaxaadda adeeggan ayaa sheegay in hadda Dowladda KMG ay isticmaasho adeeggan oo E-mailo loogu sameeyay xafiisyo ay ka mid yihiin madaxtooyada iyo xafiiska R/wasaaraha oo leh  (***@gov.so), wuxuuna sheegay in dhamaan wasaaradaha loo sameyn doono dhawaan.

Dhinaca kale wasiirka warfaafintu wuxuu beeniyay in la iibsaday Adeeggan furaha internetka ee dalka Soomaaliya iyo in uu isagu qeyb ka ahaa dadkii iibsaday, taas oo jawaab u ahayd warar ay waayadaan saxaafadda qaar baahineysay.

.

Wuxuu sheegay in uusan xubin ka ahayn wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo adeeggan maamusha sida sharciga ah xilliga wararkaan la faafinayay, isagoo been abuur ku tilmaamay gebi ahaanba warkaasi.

.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka hadlay shirkaasi jaraa’id isagoo tilmaamay in Dowladdu ay tababar u diratay dad qabta howshaasi, isala markaana qorshaha wasaaraddu uu ahaa in la howl galiyo dhawaan adeeggaasi.

.

RM.

.

Laaska News.