Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Maygaagle:Garsoorayaashii oo dhageystay Dacwadii labada Beelood,Duugtii Dadkii ku dhintay Dagaalkii Kalshaale oo la bixiyay iyo Waraysi Garsoore Dhagayso

Maygaagle:Garsoorayaashii oo dhageystay Dacwadii labada Beelood,Duugtii Dadkii ku dhintay Dagaalkii Kalshaale oo la bixiyay iyo Waraysi Garsoore Dhagayso

Monday, December 6, 2010

Laaska News. December 06,2010.

Maygaagle(Ceegaag Online).Waraysiga Sh Cismaan Cali Xuseen(Dacwad)  Dhageyso.


Iyadoo Maalintii Labaad Madasha shirka Maygaagle ay ka socoto dacwadii ay halkaasi ka soo Jeedinayeen Beelaha ka soo kala Jeeda Buuhoodle iyo Bariga Burco ayaa dhagaysi dacwadaasi Maanta galinkii hore la soo Xidhay, Waxaana kadib Madasha shirka Maygaagle lagu bixiyey duugtii dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Baliga kalshaale oo tiradoodu gaadhayaan ugu yaraan 10 Ruuxi oo Dhimasho ah iyo todobo kale oo dhaawac ah.
 
 Waxgaradka Buuhoodle ayaa bixiyey Dhimashada 7 Ruuxi oo dhimasho ah iyo afar kale oo Dhaawacmay oo ka soo Jeeda Bariga Burco waxana Qofkii dhintaba laga Bixiyey duug dhan 500$ oo Doolar oo aas ah, halka Dhaawacyadiina lagu dhaawac bixiyo.

Culumada ayaana Goobta ka sheegay in dhagaysi dacwadii Xidhantay balse la sii Wadayo Qaybaha kale oo ka harsan dacwada oo ay kamid yihiin:

Inay beeluhu keenaan Markhaatiyo iyo go’aamadii oo la soo saari Doono.
 
Kulankaasi galinkii hore kadib ayaana Culumada loo Xilsaaray Dhex Dhexaadintu Labada Beelood Waxay gaadheen Baliga kalshaale, Waxaana safarkaasi ku Wehelinayey Gudiyada ka socda labada Beelood oo goobtaasi gaadhay, Dhinaca Buuhoodle Gudigii ka socday ayaa ku soo arkay in Baliga kalshaale laga sameeyey Deegaano hore leh, Waxa arimahaasi ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyaan Culumadii gaadhay Goobta Baliga kalshaale iyo Gudigii Dhex Dhexaadinta .

Waxaana si kooban saxaafada hadal u siiyey Gudoomiyaha Gudiga Culumada loo Xilsaaray Sh Cismaan Cali Xusee( Dacwad).

Daawo Sawiradii Shirka ee maanta.

 

Photo:Wariye: Cali Dhagjer.

Ceegaag.com.

Goobta Shirka Maygaagle.

Distributer-Laaska News. laaska.wordpress.com.