Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, Somaliland > Wakiil u Dacwihii Beesha Buuhoodle oo ka Hadlay go’aankii Laga soo saaray Maygaagle kuna tilmaamay Xukunka Kalshaale Mid sharci daro ah

Wakiil u Dacwihii Beesha Buuhoodle oo ka Hadlay go’aankii Laga soo saaray Maygaagle kuna tilmaamay Xukunka Kalshaale Mid sharci daro ah

Thursday, December 9, 2010

Laaska News December 09,2010.

Maygaagle-Beesha Buuhoodle oo aan Dacwadii ku qancin,Ambiilna Kaqaatay Dacwada kusaabsan Lahaanshaha Kalshaale.Maadaama lahaanshaha Kalshaale Sharuud looga dhigay Markhaati iyo Dhaar,arrintaas oo Beesha Buuhoodle ay maxkamaddii Hor keentay Markhaati ,Ragna laga Dhaariyay reer Buuhoodle ah ayna ku dhaarteen in Dhulbahante leeyahay Kalshaale.Arrintaa Kadib Waxaa ay qaadan waayeen meeshii wada daga.

Waxaa hadaba Shabakada Ceegaag Online ay la yeelatay Waraysi Qareenkii u doodayay Xagga Beesha Buuhoodle ,.Shiikh Saleebaan Maxamed Jamac.

Warysigii oo cod ah Dhageyso
Kadib Markii Maanta Culumadii dhagaysiga Dacwadii ka socotay Maygaagle ee lagu dhex dhexaadinayey Beelihii ka soo kala Jeeay Buuhoodle iyo Bariga Burco halkaasina kaga Dhawaaqeen go’aamo ay ka soo saareen dhagaysiga Dacwadaasi ayaa dhinaca Kale Waxa go’aamadaasi sharci daro ku tilmaamay Dhamaan Waxgaradka Buuhoodle oo go’aan Midaysan ka Qaatay go’aankii Maxkamadda, kuna tilmaamay kuwo sharci daro ah.

 
Shiikh Saleebaan Maxamed Jamac ayaana ku tilmaamay go’aamada laga gaadhay Baliga kalshaale inay yihiin kuwo aan sharciga Waa faqsanayey Waxan uu shiikhu intaasi raaciyey inay anbiil ka Qaateen go’aanka Maxkamadaasi Gaadhay ee Culumadaasi ka soo saareen Maygaagle.

Wakiil u Dacwaha Buuhoodle ayaa sheegay inay intii Dacwadu socotay keeneen Markhaatiyaashii Cadaynayey inay leeyihiin Baliga Kalshaale ilaa sanadkii 1950kii Xiligaasi oo Baliga kalshaale ku yaaleen Ceelal laga Cabo oo gaar u lahaayeen Beesha Buuhoodle oo Waliba lagu dhaariyey Qaarkamid ah Dadwaynaha Buuhoodle degan saaka inay xiligaasi Ceelal ku lahaayeen Hadeerna uu Mulkiyada kalshaale leeyihiin Reer Buuhoodle.

Source:Ceegaag Online.

Laaska News.