Home > SOMALI NEWS, TFG Somalia, WARARKA > Wafdi uu hogaaminayo Raysal Wasaare Farmaajo oo Jabuuti u dhoofay

Wafdi uu hogaaminayo Raysal Wasaare Farmaajo oo Jabuuti u dhoofay

Sunday, December 12, 2010

Sunday, 12 December 2010 Laaska News.

Muqdisho (RM) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa barqanimadii maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Jabuuti.

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah: Wasiirka arimaha dibada, iyo Wasiirka Maaliyadda, iyo xubno kale, waxaana la filayaa in R/wasaare Farmaajo iyo wafdiga uu hogaaminayaba  ay wada hadallo la yeeshaan mas’uuliyiinta Dowlada Jabuuti iyo Diplomaasiyiin caalami ah oo halkaasi ku sugan.

Safarka R/wasaaraha ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu dalka kaga baxo tan iyo markii loo magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya.
RM.

Laaska News.