Home > PUNTLAND, Somaliland, TFG Somalia, WARARKA > Wasaiirka Warfaafinta B & Isgaarsiinta ee Soomaaliya oo sheegay in Dawladdu ka warhayso shirkadda Puntlad utababaraysa ciidanka badda

Wasaiirka Warfaafinta B & Isgaarsiinta ee Soomaaliya oo sheegay in Dawladdu ka warhayso shirkadda Puntlad utababaraysa ciidanka badda

Monday, December 13, 2010

Laaska News December 13,2010

 

Washington-Wasiirka Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dawladda Soomaaliya C/kariim Axmed Jaamac ayaa ku sheegay Waraysi ay la yeelatay Idaacada VOA in Dawladda Soomaaliya ay la socoto shirkadda  utababaraysa Ciidanka Badda ee Puntland, shirkadaasina ay dawladda la soo
xiriirtay isla markaana ay dawladda ogolaansho kahaysato, shirkadaas inay Ciidamo utababarto Puntland iyo meelo kale oo Koonfurta ah.

.

Shirkadan iyo ciidanka la sheegay in loo tababarayo Puntland ayaa warbaahinta si yaalo kala duwan wax uga qoreen maalmihii la soo dhaafay.
Waana markii ugu horaysay ee Dawladda Soomaaliya ka hadasho,shirkadda ajnabiga ah ee oo waliba ah shirkad amni ah.

 

.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka halkaa lagu tababarayo ee Puntland inay ka mid yihiin ciidanka Federaalka soomaaliyeed maadaama Puntland ay ka tirsan tahay Dawladda Federaalka ah.

.
Laaska News.