Home > TFG Somalia > Muqdisho:Golaha wasiirada oo guddi u saaray arrinta Dekadda Muqdisho

Muqdisho:Golaha wasiirada oo guddi u saaray arrinta Dekadda Muqdisho

Tuesday, December 14, 2010

Laaska News December 14,2010.

Muqdisho(RM) Golaha wasiirada ayaa maanta guddi u saaray shaqaaqo shalay ka dhacday dekadda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka Garsoorka iyo arrimaha Diinta C/llaahi Abyan Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shirka kaddib kormeer ku tagay dekadda Muqdisho oo howlaheeda shaqo ay si caadi ah u socdaan.

Wasiiradaan ayaa kulamo la qaatay maamulka dekadda sida maareeyaha iyo ku xigeenkiisa, waxayna kawada hadleen arrimaha taagan, ayadoo warbixin laga siiyay xaaladda dekadda.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen ku simaha R/wasaaraha iyo wasiirka dekadaha iyo Gaadiidka badda ayagoo ku sugan gudaha dekadda ayay sheegeen in guddiga wasiirrada ah ee loo magacaabay arrintan ay warbixin soo siin doonaan golaha wasiirada si loo xalliyo waxyaabaha jira.

Wafdiga kormeerka sameeyay waxaa ka mid ahaa wasiirka Dastuurka iyo  fedraalka Maxamuud Axmed Boonoo, Wasirka ku xigeenka maxdanta biyha C/raxmaan Dujaana iyo wasiir ku xigeenka garsoorka.

RM.

Laaska News.