Home > Shirarka, TFG Somalia > R/wasaaraha Xukuumadda MR.Farmaajo & Wafdi uu hogaaminayo oo maalintii labaad ku sugan Adds Ababa.

R/wasaaraha Xukuumadda MR.Farmaajo & Wafdi uu hogaaminayo oo maalintii labaad ku sugan Adds Ababa.

Tuesday, December 14, 2010

Laaska News Dec.14,2010.

Muqdisho(RM),Wafdi ballaaran ee u hogaaminaayo Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Somaliya ayaa maalintii labaad waxa uu ku sugan yahay Xarunta Dalka Ethopia Ee Adds Ababa Asaga oo ka qayb galaya Shair Caalami ah oo ay ka qayb qaadanayaan in kabadan 70 Dal oo ah Dowladaha Federaalka Ku dhaqma.

R/wasaara kuxigeenka Ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Mudane maxamed C/llaaho Oomaar ayaa Raadio Muqdisho uga warbixiyay Shirkas wuxuuna sheegay in Ay ka qaby galayaan Shirkaas caalamiga ah oo looga ahdlaayo rrimaha federaalka, Wasiirka ayaa sheegay in wadamo fara badan oo caalamka ah ay joogaan oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Hindiya iyo Wadamo kale oo caalamka ka tirsan,

Shairkaan ayaa waxaa lagu qabtay markii ugu horeysay Dalka Ethopia oo ka mid ah wadamada federaalka ku dhaqma, Shirkaan ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan Dhamaadkiisa Qodobo muhiim u noqon doonaa Dowladaha ku dhaqamka habka federaalka.

RM.

Laaska News.