Home > Sports > Garowe: Cayaaraha Gobolada Soomaaliya oo Maanta ka furmay

Garowe: Cayaaraha Gobolada Soomaaliya oo Maanta ka furmay

Wednesday, December 15, 2010

Laaska News December 15,2010.

Garowe,wararka laga helayo magaalada Garowe ee caasimadda Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya in in halkaas ay ka furmeen tartankii cayaaraha Gobolada soomaaliyeed,oo markii u horaysay la qabto muddo kabadan 20 sano,waxaana halkaa maanta ka socda xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay.
Waxaa ka qayb galaya 15 Gobol oo ka kala yimid Koonfurta Soomaaliya iyo Puntland.

.
Waxaana la adkeeyay amniga caasimadda Puntland,waxaana lagu daadiyay magaalada iyogoobaha ay wafuudu iyo cayaartoydaba ay dagan yihiin,waxaa kaloo ciidamo farabadan lageeyay Garoonka ay cayaaruhu ka dhacayaan ee lagu magacaabo Mire Awaare Stadium.

Wafoodda yimid ayaa waxaa kamid ah wafdi ka socdaDKMG ee Soomaaliyeed oo u hogaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Sportiga.

Laaska news.