Home > WARARKA > Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada oo soo saartay Liiska Magacyada Madax Kenya ah

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada oo soo saartay Liiska Magacyada Madax Kenya ah

Wednesday, December 15, 2010

Laaska News December  15,2010.

 

 

 

 .

(Nairobi,Kenya)Hague, Luis Moreno-Ocampo, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Caalamiga ee Dambiyada  oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu maanta ku dhawaaqay liis madax Kenya ah oo ka dalbaday Maxkamadda in loo yeero,madaxda sare oo kenya ah ,oo uu rumaysan yahay inay leeyihiin masuuliyadda ugu weyn  ee ay ku naf waayeen in kabadan 1200 qof,ayna ku bara kaceen in kabadan 500,000 oo qof,rabshadihii ka dhcay kenya,doorashadii 2007/2008.

.
Waxayna maxkamaddu ay soo saari doonta   go’aanmin  in lagusoo taago Dambiyada.

Liiska Magacyada oo 6 ah,ayaa waxay kala yihiin:

1.Uhuru Kenyatta,Wasiirka Maaliyadda  oo uu dhalay madaxweynihii ugu horeeyay ee Kenya.

2.William Ruto, Wasiirkii hore ee Tacliinta Sare oo xilkaa looga qaaday markii lagu eedeeyay musuqmaasuq, waana (Mucaarad Xoogan).

3.Taliyihii hore ee Boliska Maxamed Xuseen Cali.(Somali)

4.Francis Mathaura,Madaxa Adeega Bulshada.

iyo labo Xubnood oo Mucaaradka ah oo kala ah:

5.Henry Kiprono Kogey oo ah Wasiirka Warshadaynta.

6.Joshua Arap Sang oo ah nin Barnaamij Idaacad ka soo daaya.(Kicinta iyo Abaabulka).

.

Raggan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay laba kiis oo Dambiyo xuquuqal Insaanka ka soo hor jeeda oo ay ku jiraan Eedaymo Dil,jirdil,kufsi.

Moreno Ocampo ayaa sheegay inuu ku dhawaaqay lixda ugu sareeya ee maskaxda u ahaa rabshadihii dhacay,laakiin uu filayo inay Kenya qaado baaristeeda oo ay soo saarto eedeysanayaal kale.
 Waxa kale oo uu ku daray in dacwadan la dhageysan doono 2012 iyo 2013.

Taariikhdan kor ku xusan ee 2012 ayaa ah marka 3 wasiir oo hadda eedaysanayaasha ku jira ay isu soo taagi la haayeen doorashada,waana arrin caqabad weyn ku noqonaysa inay u istaagaan doorashada Madaxweynaha rag ku eedysan Dil iyo xasuuq.

.
Lixdan Masuul ee la eedaynayo ayaa  moodaa in laysugu miisaamay siyaasiyan,iyadoo saddex ay ka soo jeedaan Xisbiga Madaxweynaha,halka saddexda kalana ay ka soo jeedaan Xisbiga Mucaaradka ugu weyn ee ugaaminayo Raysal Wasaare Raila Odinga.

Liiskan la shaaciyay ayaa laga baqsan yahay in rabshadu mar kale dhacaan,waxaana ciidamo la geeyay meelihii ay markii hore wax ka dhacaan.

Waxaa kale oo la yaab leh waxa ay liiska ugu soo dareen Taliyihii hore ee Boliska.
Sidoo kale waxaa la ga yaabaa inay soo dadajiso inay Kenya Furto maxkamad wadanka gudihiisa laguna saaro,waxaase adag in la dhiibo,waana adagtahay in maxkamada noocaas oo kale ah inay ka hir gasho Africa,qabashada madax sare waxay wadamada ku keeni kartaa dagaalo gudaha ah.

Iskusoo duubo Waxaa cad in madax laysla gali doono,rag badanna loo dhigay shaxdii ay uga bixi lahaayeen doorashada soo socota.

Laaska News.