Home > TFG Somalia > Ciidamo dawladda ka tirsan oo tababar loogu xidhay Uganda

Ciidamo dawladda ka tirsan oo tababar loogu xidhay Uganda

Thursday, December 16, 2010

Laaska News December 16,2010.

Ciidamo ka tirsan Dawladda Soomaaliya ayaa tababar loogu xidhay dalka Uganda.

Munaasabad loo qabtay xiritaanka ciidanka Soomaaliyeed ee tababar lix bilood ah ku qaatay ayaa waxaa ka qayb galay Dhinaca Soomaaliya Wasiirka Gaashaandhigga,ahna R/Wasaare kixigeenka Somalia C/xakiim Maxamuud Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga Uganda,Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda,wakiilada Midawga Yurub.

Ciidankan tababarku u dhamaaday ayaa lagu sheegay ku dhawaad 1000 Askari,waana dufcadii 3aad oo tababar ugu dhamaado Uganda,inkastoo labadii dufcadood oo hore ay ka yar yihiin tan maanta uu tababarku uxidhmay.

Waxaa kaloo halkaa laga sheegay in dhawaan tababar loo furi doono 1000 Askari oo kale.

 

 

.

Laaska News.