Home > PUNTLAND, WARARKA > Wasaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee DFKMG oo cambaareysay xiriirka Kubadda Cagta

Wasaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee DFKMG oo cambaareysay xiriirka Kubadda Cagta

Saturday, December 18, 2010

Laaska News December 18,2010.

Muqdisho (RM) Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga xukuumadda FKMG ee Soomaaliya ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ku eedeysay in ay si qaldan u maamuleen Ciyaaraha Kubadda Cagta.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha bulshada , Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Isboortiga xukuumadda KMG ee Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig ayaa xiriirka Kubadda Cagta ku sheegay in ay siyaasad ku lifaaqeeyn Ciyaaraha, isla markaana aysan la imaan howshii laga sugayay.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradddu ay dib u eegi doonto qaab-dhismeedka xiriirka iyo shuruucda ay ku shaqeeyaan, isagoo tilmaamay in Xiriirka Kubadda Cagta ee Adduunka ay kala hadli doonaan arrimahaan.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya maalmo kaddib markii maamulka Galmudug ay xiriirka kubadda cagta ku eedeeyeen in ay si aan sax ahayn u maamuleen ciyaaraha gobolloda ee ka soconaya Garowe.

 

.
RM.
Laaska News.