Home > 10001, PUNTLAND, Socdaalka Gudaha > Xarfo:Wafdigii R/wasaare xigeenka oo booqday Xarunta waxbarashada Dumarka Xarfo ee Mudug.SAWIIRO

Xarfo:Wafdigii R/wasaare xigeenka oo booqday Xarunta waxbarashada Dumarka Xarfo ee Mudug.SAWIIRO

Saturday, December 18, 2010

Laaska News December 18,2010.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xarfo  (RM) -Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna  Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ay wehliyaan wefdi ka kooban xildhibaan, Wasiir kuxigeen ka tirsan dowladda Federaalka ayaa maanta kormeer ku tegay Xarunta Waxbarashada gabdhaha iyo Horumarinta Nabadda ee degmada 
Xarfo  ee Gobolka Mudug xilli uu ku sii jeeday magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ayaa waxaa ku soo dhoweeyey albaabka hore ee xaruntaasi boqolaal Arday isugu jirta gabdho iyo wiilal kuwaasoo caleemo qoyan lulayay waxaana qeybaha xaruntaasi ku soo wareejiyay Kormeeraha xarumaha Waxbarashada iyo Horumarinta Nabadda Marwo Xaawo Yuusuf iyo guddoomiyaha degmadaasi Cabdullaahi Faarax Beyle.

Xaruntan oo la aas aasay sanadii 2003-dii ayna aas aaseen qurbejoogta u dhalatay degaankaasi ayaa waxa ay ka kooban tahay qeybo waxbarasho, Jiif, iyo qeybo kale oo lagu barto farsamada gacanta sida barashada Harqaanka tolmada, waxaana sidoo kale wax ka barta wiilal da’yar oo dhigta iskuulka Hoose iyo dhexe.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ayaa markii uu soo kormeeray qeybaha xarunta kadib waxa uu hadal kooban u jeediyay ardaydii wax ka baraneysay xaruntaasi isagoo u sheegay inuu yahay macalin Jaamacadeed oo dhiga Maadada dhaqaalaha, isagoo xusay  inay muhiimad gaar ah u leedahay inuu maanta arko arday sidan oo kale waxbaraneysa.

Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta horjoogo gabdho yar yar oo mustaqbal ifaya leh, waxaana idinku boorinayaa inaad dedaashaan oo aadan ka caajisin waxbarashada” ayuu ku yiri Dr. Cabdiweli Maxamed Cali wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay waxbarida gabdhuhu ay ka muhiimad badan tahay mida wiilashada sababtoo ah “Hal wiil haddii aad waxbarto qof shaqsi ah ayaad waxbartay, laakiin gabar haddii aad waxbarto waxaad waxbartay qoys dhan, maadaama ay hooyo tahay oo ay caruurteeda wax sii bareyso”.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ayaa amaanay aas aasaha ahna agaasimaha guud ee xarumaha Waxbarashada iyo horumarinta Nabadda gabdhaha ee Xarfo oo qeybo kale oo badan ku leh gobolka Mudug, wuxuuna ugu baaqay in  Marwo Xaawo Aadan oo maanta ka maqneyd munaasabadaasi maadaama ay xanuunsaneyd “Xaawo Aadan waa halyey Soomaliyeed sababtoo ah waxay wadanka ka dhistay xarumo badan oo waxbarasho, waana ficil ku dayasho mudan, aniguna waxaan oran lahaa Taalo ha loo dhiso, si haddii adduunka laga oofsado loo xusuusto waxqabadkeeda”.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta ayaa sidoo kale booqday iskuulka degmadaasi Xarfo ee (H/dhexe ee Horyaal), wuxuuna halkaasi ku salaamay arday yar yar oo dhigata iskuulka hoose iyo midka dhexe isagoo kula dardaarmay in aysan ka daalin waxbarashadooda si mustaqbalka ay hoggaan wanaagsan ugu noqdaan dalka.

Dhinaca kale, wefdiga uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ee isugu jira xildhibaanada iyo Wasiir kuxigeenka ayaa caawa ku sugan magaalada Garowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland, waxaana la filayaa inay kulamo la qaataan madaxda ugu sareysa maamulka Puntland.

Garaad Salaad Xirsi

Gaalkacyo, Soomaaliya
Source:RM.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Prof Abdiweli oo Ka qayb galaya  Shirka Wadamada Dhaqaalahoodu soo korayo -VIDEO

Raysal Wasaare Kuxigeenka Somalia Prof.Cabdiwali oo Booqday Garowe

 

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com