Home > 10001, PUNTLAND, Sports, TFG Somalia > Garowe:Ra’iisal Wasaare kugeenka Somaliya oo kumanaan daawadayaal ah kala qeyb galay dawashada ciyaaraha gobollada, SAWIRRO

Garowe:Ra’iisal Wasaare kugeenka Somaliya oo kumanaan daawadayaal ah kala qeyb galay dawashada ciyaaraha gobollada, SAWIRRO

Sunday, December 19, 2010

Laaska News December 19,2010.
By Garaad Salaad Xirsi.(RM).

 

 

 

Garowe,Somalia-Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa kumanaan dadweyne ah kala qeyb galay daawashada ciyaartii xiisaha badneyd ee shalay galab ku dhex martay garoonka Mire Awaare
kooxaha kala matalayay gobolada Jubadda Hoose iyo gobolka Baay.

 

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka iyo xubno xildhibano ah oo la socday ayaa la fariisiyay qeybta sare ee V.I.P, waxaana sidoo kale goobta fadhiyay Wasiiro ka tirsan Puntland oo uu ka mid ahaa Wasiirka Isboortiga, Wasiirka Maaliyadda, iyo Wasiir ku xigeeno waxaana xusid mudan in ay daawanayeen saraakiil Ajnabi ah.

 

 

Ciyaartan oo aad xiiso u laheyd maadaama labada kooxood ay ahaayeen kuwo adag ayaa waxaa ugu dambeyntii ciyaartani ay ku soo gabo gabowday bar bar dhac 3-3, iyadoo kooxda J/hoose ay aakhirkii heshay goolka barbar dhaca ah waxayna ku ciyaareysay 9 ciyaartoy maadaama karaka-cas laga siiyay ciyaaryahan ka tirsanaa.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ayaa garoonka kula kulmay guddoomiyaha Xiriirka K/cagta Siciid Maxamuud Nuur (Siciid Mugaambe) iyo C/qani Siciid Carab oo ah xoghayaha guud ee Xiriirka.

Waa markii ugu horeysay muddo 20 sano ah la qabto ciyaaraha kooxaha gobolada Soomaaliya, waxaana arrintani si weyn loogu ammaanay maamulka Puntland oo xil weyn iska saaray martigelinta ciyaarahan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

RM.

Laaska News.