Home > TFG Somalia, WARARKA > R/WASAARE FARMAAJO “Waan in la soo celiyaa Hantida ma guurtada ah ee dalka”

R/WASAARE FARMAAJO “Waan in la soo celiyaa Hantida ma guurtada ah ee dalka”

Sunday, December 19, 2010

Laaska News December 19,2010.
Muqdisho(RM),R/wasaarasha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farnaajo ayaa golaha wasiirada u sheegay in la baadi goobo dhamaan hantida ma guurtada ah ee uu dalku leeyahay taas oo hadda ka maqan gacanta Dowladda Soomaaliya.

Hadal uu ka jeediyay munaasabad shalay lagu qabtay xafiiskiisa ayuu ku sheegay in qaaradaha adduunka ay taallo hanta badan oo Soomaaliya ay leedahay, taas oo laga yaabo in ay halis ugu jirto in ay burburto ama ay ku shaqeystaan dalal kale.

 

Dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in uu hayo 14 diyaaradood oo ah kuwii ciidamada XDS, Maraakiibtii dalkana ay maqan yihiin, halka dalalka qaar lagu ogyahay hanti badan,shaqsiyaad gaar ah oo iska heysta hanti qaranku leeyahayna ay jiraan.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda arrimaha Dibadda Maxamed Cali Xaamud ayaa sheegay in Safaarado iyo Guryo dalku leeyahay uu ku maqan yahay dalalka caalamka, isagoo tilmaamay in dhamaan dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u istaagaan sidii dib loogu heli lahaa Safaaradhaasi.

Mudane xaamud ayaa Wasaaradda maaliyadda ka socdasay in ay si toos ah ula shaqeeyaan wasaaradda arrimaha dibadda si loo celiyo Hanti badan oo dalka ka maqan sida Lacago yaalla Bangiyada Caalamka.

RM.

Laaska News.